Warbixin: Dhacdooyinkii dhacay Sanadkii Hore 2015

22-12-2015

Wixii Dhacay 01-01-01-04-2015

10-01-2015-Waxaa si rasmiya Muqdisho uga furmay shirkii Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka IGAD, oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

10-01-2015-Ciidamada Police-ka Gobolka Galgaduud ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysnaa in uu dilay nin kale iyo xaaskiisa bishii Bishii December ee sanadkii 2014.

12-01-2015-Reysal-Wasaare Cumar Cabdi-Rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada.

12-01-2015-Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay isusoo bax lagu taageerayay in la xuso Nabi Muxamed (CS).

13-01-2015-Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay markii ugu horeysay ka bilaabeen degmada Dhahar ee gobolka Sanaag qaadista canshuuraha.

17-01-2015-Baarlamaanka dalka ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday inuu Reysal-wasaaraha dalka ku soo dhiso Xukumad kale, kadib markii uu ku kala diray wax yar hal 7-aad xukumad uu soo dhisay.

17-01-2015-Waxaa Muqdisho ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo aflagaadadii uu Wargeys kasoo baxa Magaalada Paris ee dalka Farabsiiska u geystay Nabigeena Muxamed (NNKA).

18-01-2015-Baydhabo ayaa lagu dilay wadaad halkaas can ka ahaa oo la odhan jiray Sh. Shariif Siid Cali.

18-01-2015-Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa beeniyay hadal kasoo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegayay in uu maamulka Hiiraan lunsaday gargaar la doonayay in lagu caawiyo dad tabaaleysan oo ku nool Hiiraan.

19-01-2015-Hanti-Dhawraha Guud ee Qaranka ayaa ku eedeeyay Maxakamada Gobolka Banaadir in ay sii deysay markab si sharci darro ah uga jilaabta biyaha dalka kaluun lagu qiyaasay in uu joogo lacag dhan 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

19-01-2015-ku dhawaad 200 oo qof ayay Ciidamada magaalada Baydhabo kusoo qabqabteen hawlgal ay ka sameeyeen Baydhabo.

19-01-2015-Dawladda Iran ayaa sheegtay in ay fashilisay 5 isku day weerar oo ay sameeyeen Burcad badeedda Soomaalida ee wax ku afduubta Biyaha Somalia.

26-01-2015-Police-ka degmada Xamar-Weyne ee gobolkan Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen  Rag ku eedeysnaa in ay ka dambeeyeen dilka ganacsade markii la dilay kadib meedkiisa la la’aa mudo maalmo ah.

26-01-2015-Dalad ay ku mideysan yihiin ugu yaraan 60 hay’adood oo wadani ah waxa ay soo bandhigtay daraasad ay ku kala ogaanayeen waxa ay dadki ka aaminsan yihiin.

26-01-2015-Isbitaalka Enter-SOS ee maagalada Jowhar ayaa la dhigay ku dhawaad 80 qof oo uu soo ritay xanuunka Shuban Biyoodka.

27-01-2015-Baarlamaanka ayaa sameeyay gudi ka kooban 10 xubnood oo ilaalinaya aslubaadka baarlamaanka.

31-01-2015-Reysal-Wasaare CCC Sharma’arke ayaa baarlamaanka ka codsaday in lasiiyo waqti dheeraad ah si uu usoo dhameestiro xukumaddiisa. Hase ahaatee waxa uu arrinkaas buuq ka dhex dhaliyay baarlamaanka, oo sugayay inuu Reysal-Wasaaruhu ku dhawaaqo Xukumaddiis.

07-02-2015-Xaaladda degmada Beled-Weyn ayaa la ciirciireysay xiisad colaadeed oo Halkaas ka bilaabatay maalintaas subaxeeda.

07-02-2015-AMISOM ayaa sheegtay in inkasta oo ay ku guuleysatay qabsashada deegaano badan ay maareyn waayeen xiisado bini’aadanimo oo ka jira goobaha ay qabsadaan.

07-02-2015-Maamulka Ximan iyo Xeeb ee xiligaas ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday inuu Madaxweyne Xasan iloobay markii uu u yeerayay madaxweynayaasha maamulada gobolada dalka ka jira, si uu wada tashi ugala yeesho waxa ka soconayaa dalka.

08-02-2015-Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ay ciidamo ka tirsan Militarigeeda u direyso magaalada Kismaayo.

09-02-2015-Baarlamaanka ayaa ogolaaday xukumadii Reysal-Wasaare CCC Sharma’arke, kadib markii ay baarlamaanku codkooda kalsoonida siiyeen.

Isla Maalinkaas waxaa Mudane ka tirsan baarlamaanka, oo lagu magacaabo Cabdullaahi Qayaad Barre, lagu dilay degmada Xamar Jabajab ee magaalada Muqdisho. Xukumada iyo Baarlamaankuba weyn ka naxeen waqtigaas.

10-02-2015-Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaasoo in mudaba lagu sugayay.

10-02-2015-Hawlgal boqolaal qof lagu soo qabqabtay waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho. Degmada Xamar-Weyne oo kaliya ayaa xiligaas lagu soo qabtay dad ka badan 400 oo qof.

11-02-2015-Kalfadhigii 5-aad ee Baarlamaanka ayaa lasoo xiray.

11-02-2015-Wasiirkii Hore ee Macdanta iyo Badroolka ayaa sheegay in ay qorsheenayeen in 2020 lagu arko suuqyada caalamka shidaal Soomaaliya laga qoday.

11-02-2015-Mid kamid ah masaajida ugu caansan Muqdisho oo dhulka galay ayaa lagu bilaabay dayactir.

15-02-2015-4 wariye oo ka tirsanaa idaacaadaha Shabeele iyo Sky, oo Maxakamad horyimaaday, ayaa dib dacwadahoodii loo dhigay, kadib markii loo waayay cadeymo ku filan waxa lagu heestay,

17-02-2015-Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay, ayaa sheegay in wadada kaliya ee looga adkaan Al-Shabaabn ay tahay dagaal iyo in la dakeeyo howlgalada ka dhanka ah.

18-02-2015-Police-ka gobolka Bay ayaa ku eedeeyay ganacsato iyo Macalimiin duqsiyada Quraanka gobolkaas Bay wax ka dhigta in ay wax ka og yihiin dilalka qorsheysan ee ka dhaca meelo ay ka mid tahay magaalada Baydhabo.

21-04-2015-Akadeemiyada Af-Somaliga ayay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti isla dhagax dhigeen Muqdisho. Islamaalinkaas waxa ay 2-da Madaxweyne ka qeybgaleen Munaasabadda Maalinta Afka Hooyo oo Muqdisho ka dhacday.

22-04-2015-Madweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Xasan iyo Geele, ayaa tagay Magaalada Beled-Weyn, halkaasoo ay 2-da Madaxweyne ku xaliyeen beelo walaalo ahaa ku muddo ku dagaalsanaa Hiiraan.

23-02-2015-Suuq Shidaal lagu iibiyo kan ugu weyn hada Muqdisho ayaa xiligaas dab qabsaday, kaasoo ku yaala agagaarka  Isgooska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

24-02-2015-Dagaal ayaa mar kale ka biloday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay in muddaa ku dagaalamyeen dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca.

24-02-2015-Gobolka Bakool waxaa laga soo sheegay xaalad bini aadanimo tii ugu xumeed, kadib markii ay dadka degmadaas iyo nawaaxigeeda ku nool bilaabeen in ay u dhintaan haraad.

25-02-2015- Dowladda Mareykanka ayaa Safiir cusub oo Somalia uun u gaar ahayd markii ugu horeysay usoo magacwday dalka, tan iyo 1990-kii.

25-02-2015- QM, MA, MY, IGAD, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa hadal wada jir ah, oo ay soo saareen waxa ay kusoo dhaweeyeen dadaaalo nabadeed oo ay xiligas ka dhex wadeen duqowda  iyo ganacsatada gobolada dhexe, dowladda iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca oo ku dagaalsanaa Guriceel.

28-02-2015-Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay inuu digniintii ugu dambeeysay siiyay dadka degmadiisi, taasoo ku aadaneed kala shaqeenta maamulka xajinta nabadgelyada degmadaas.

01-03-2015-Waxaa In ka badan 10 qof, oo qaba dhaawacyo halis ah aga duuliyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Emirate-ka ayaana loo qaaday, kuwaasoo ku wax yeeloobay qaraxii Hotel Central ee magaalada Muqdisho 20-kii February ee sanadkii tagay lagula eegtay.

01-03-2015-Isla Maalintaas waxaa Muqdisho maxakamad lasoo taagay 5 suxufi oo ka tirsan Wariyayaasha Muqdisho, hase ahaatee waxaa la diiday in ay dadku goobjoog ahaadaan.

02-03-2015-Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay baqanayeen in ay Xarakada Al-Shabaab saareen awoodooda ciidan dhinaca Puntland deegaanada ay xakunto.

02-03-2015-Madaxweyne ku xigeenkii hore maamulka Puntalnad, Cabdi-Samad Cali Shire, ayay Maxakamadeeni uga bilaabatay meel u dhaw magaalada Taleex ee gobolka Sool.

04-03-2015-Boqolaal qoys  ayay dowladda Hoose ka salkicisay dhul ay dowladdu lahayd oo ku yaala inta u dhaxeeysa Taliska Ciidamada Asluubta iyo halka loo yaqaan Sarkuusta ee Magaalada Muqdisho.

04-03-2015-Hadal ay si wada jir ah usoo saareen UNSOM iyo AMISOM waxa uu  ku baaqayaa in la xoojiyo ka hortaga xad-gudubyada galmood ee ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

04-03-2015-Xiriirka Kubada Cagta Soomalaiya ayaa go’aano ay ganaaxyo ka mid yihiin kasoo saaray cayaar rabsho kusoo dhamaatay oo Garoonka Banaadir Stadium ku dhexmartay Kooxaha Jeenyo iyo Banaadir Sports.

07-03-2015-Reysal-Wasaaraha dalka ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

07-03-2015-Magaalada Jowhar waxaa lagu soo gabagabeeyay Koob loogu magac daray Shangole Cup, oo lagu weeneynayay Captainkii ugu horeeyay ee Xulka Kubada Cagta Qaranka, oo geeriyooday.

07-03-2015-Maamulka Beled-Weyna ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan dadkii maleegay qoys 6-dii bishaas ee sanadkaas inta lagu weeraray Hoygooda, hadana wax la dilay iyo qaar la dhaawacay loo qeybiyay.

09-03-2015-Suxufiyiin iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka ayaa lagula xadgudbay Xarunta Madaxtooyada ee Vila Somalia.

09-03-2015-Doorashooyinka Puntland ayaa dib u dhacay, mudo sedex bilood ah, taasoo ay horay u sheegeen mucaraadku in aysan aqbali doonin.

09-03-2015-Gaadiidka nuuca ayan Xabadu Karin ama celin kara gumaca Xabadaha iyo qaraxyada ayaa la siiyay Xukumadda Federalka.

11-03-2015-Hay’ada Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed ayaa war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay dhibato weyn oo caafimaad iyo dhaqaalaba ka dhalatay wasaqeenta lagu hayo biyaha badda Muqdisho.

17-03-2015-Gaari ku rogmaday deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka Muqdisho ayay dad badani ku le’deen.

17-03-2015-Wasaarada Cadaalada ayaa tiri “dhalinyaradu waa in ay helaan cadaalad”.

17-03-2015-Dibax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, Waxaana looga soo horjeeday dhibaadata lagu hayo badaha dalka, waxaana soo qaban-qaabiyay SOCIENSA iyo Daladaha Waxbarashada.

19-03-2015-Al-Shabaab ayaa weerartay Hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay habeen iyo maalin gelenkeed haysteen, waxaana sida ay dowladdu sheegtay ku dhintay 20 qof, ku dhawaad 50 kalena wey ku dhaawacmeen.

30-03-2015-Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa dil ku xakuntay 2 rag ah oo lagu eedeeyay in ay fara xumeeyeen rag kale.

04-04-2015-Wasaarada Amniga ayaa ka codsatay dalalka Somalia keena hubka ay Miinooyinka ka midka yihiin in ay inaga joojiyaan keenista miinooyinkaas.

06-05-2015-Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xakun Dil ah ku riday Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo lagu helay in ay dileen Fanaanadii Canaka ahayd ee Saada Cali warsame iyo  Masuuliyiin kale oo qaarkood ka tirsan dowladda.

08-04-2015-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhuusamareeb uga dhawaaqay in ay Cadaado lagu qaban doono Shirka Maamul U Sameynta Mudug iyo Galgaduud degmada Cadaado, Dhuusa-Mareebna ay tahay Caasiamdda mamaulkaas.

11-04-2015-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Fagaaraha Dal-Jirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ka sheegay in ay nolisha Soomaalida ku jirto Qatar hadaan laga hortagin dhibaatada lagu hayo dhirta, markaasoo la xusayay Todobaadka Dhirta, si loo weeneeyo Maalin Dhirta Aduunka.

11-04-2015-Kulamo maalmo qaatay, oo u dhaxeeyay Dowladda Federalka iyo Maamulka Puntalandna ayaa ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga hadlayayna waxa ay ahayd Mudug.

13-04-2015-Dowladda Kenya waxa ay markale ku celisay in ay riyoonayaan kuwa doonaya in Militariga Kenya dib looga celiyo Soomaaliya. William Rutto ayaa yiri sidaas.

14-04-2015-Weerar ay Ku dhawaad 20  qof ku dhimatay, in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen ayaa lagu qaaday Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliya, oo Muqdisho ku taala. Waxa ay ahayd isqarxin iyo weerar toos ahaa.

14-04-2015-Muqdisho waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay suuratgalnimada in Somalia laga joojin karo qaadka.

16-04-2015-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Cadaado ka furay Shirka Maamul U Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, halkaasoo uu ugu dambeyn kasoo baxay maamulka Galmudug ee hadda jira, ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

18-04-2015-Afhayeenka Baarlamaanka, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, waxa uu sheegay in ay tahay waxaanu qaadan Karin inuu Hargeyso ku tago Baasboor, taasoo hadda ah xalad ka jirta deegaanada uu ka taliyo maamulka Somaliland.

21-04-2015-Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa xili duhur ah ka dhacay Maqaayad yar oo kasoo horjeeda hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

21-04-2015-Mareykana waxaa lagu eedeynayay inuu bilaabay inuu dhalinta Muslimiinta ah ee gobolka Minnesota, ee ay Soomaalidu ka midka yihiin,  isaga dhigo Daacish ama Wadaad wax u tashkiiliya ururkaas.

25-04-2015-Wasaarada Amnigana ayaa  soosaartay digniin ku saabsan in ay Al-Shabaab weerari rabaan goobaha muhiimka ah. Dadka Muqdisho ayaana si gaara loogu digay maalinkaas.

25-04-2015-Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay in ay qeybisay ku dhawaad 350,000 oo Maro Kaneeco ah, si looga badbaado xanuuka Duumada.

27-04-2015-Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Fadhiigiisii koowaad ayaa dib uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka hadlay madaxweynaha oo soo hadal qaaday amaanka iyo Gudoomiyaha Baaralamaaka oo ka hadlay Soomalaida ku dhibaateysan Yeman iyo kuwa kasoo noqday.

27-04-2015-Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu si rasmiya u aqoonsaday baarlamaanka Jubba. Waxaa saas inuusan yeelin horay dhawr u codsaday odayaal, xildhibaano iyo dad kasoo jeeda gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

29-04-2015-Dalka Yeman, ugu yaraan 30 qof oo Soomaali ahayd ayaa ku dhintay, weerarada dhanka cirka ahaa ee uu Sacuudigu ka waday halkaas.

3-05-2015-Taliyaha Heyada Nabadsugida Iyo sirdoonka Qaranka, Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare, ayaa wariyeyaasha ku amaray in la ga bilaabo maalintaas magaca Alshabab laga dhigo UGUS.

05-05-2015-Xoghayaha Arimaha Dibada Mareynka, John Kerry, ayaa booqashadiisii ugu horeyay ku yimid Muqdisho, taas oo ka dhigneyd xoghayihii ugu horeeyay arimo dibadeed oo Mareykan ah oo booqasho ku yimaado Soomaliya.

06-05-2015-Gudoomiyihii gudiga dib u eegista Dastuurka Xildhibaan Hore, Caasho Geele, ayaa xilkaasi iska casishay, kadib markii ay sheegtay in aysan u muuqan ifafaalo ay jagadaasi ku sii heyn karto .

 

 

13-05-2015-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliya ayaa xukun dil ah ku riday labo dambiile oo lagu eedeyay dilalkii Xildhibanad Saado Cali Warsame Xildhiban Shekh Aadan Mad Deer iyo Marxuum Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeeyd,  kuwaas oo marar kala duwan Muqdisho lagu dilay.

24-05-2015-Xildhiban Yuusuf Dirir ayay Ciidamo ka tirsan Militarigu ku dileen Muqdisho, mar uu marayay Wadada Maka Almukarama.

06-06-2015-Baarlamanka Soomaliya ayaa kalsoonida kala noqday Baarlamaan goboleedka Maamulka Juuba, taasoo aysan waxba ka dhaqangelin.

12-06-2015-Ciidamada Dawlada iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay Deeganka Tooratoorow ee G/SH/hoose, Walow Todobaadyo kadib Dawlada iyo Amisom ay isaga soo baxeen, waxaan dib ugu soo noqday Alshabaab .

22-06-2015-Afhayeenkii Xukuumada Soomaliya Ridwaan Xaaji Cabdi walli ayaa jagaadaasi iska xilkaasi oo loo soo magacaabay Xiligii Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

26-6-2015-Boqolaal Askari oo katirsan Alshabab ayaa weerar Lug, Gaadiid iyo Is-Qarxin loo adeegsaday ku galay Xiro  Ciidamo Amisom ay ku lahaayeen Deegaanka Leego ee G/Sh/Hoose, halkaasoo la soo sheegay in Al-Shabaab ku dileen in ka badan 50 iyo Gudoomiye Ku Xigeenkii Deegaankaas.

4-07-2015-Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku guuleystay Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug kadi Tar-tan doorasho oo adag uu lagalay Musharixiinta u baratameysay Jagadaasi.

26-07-2015-Hoteel Jazeera ayaa lagu weeray Qarax aad u weynaa oo qeyb ahaan burbur weyn u geestay hoteelka waqtigaas, kaasoo sidoo kale sababay dhimashada dad aan ka yareen 20 qof, dhaawac in kale, waxaana dhibanayaasha qaraxaas ku jiray shacab ay ka mid ahaayeen Suxufiyiin iyo Diplomacy-iin iyo dad kale.

1-8-2015-Ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh Dagmada Marko ee G/Sh/Hoose ayaa 5 ruux oo hal qoys ka soo wada jeeda waxa ay ku dileen Marka ka dib markii ay ku weerareen hooygooda, oo ay xiligaas ku qabeen xaflad aroos.

01-09-2015-Al-Shabaab ayaa xero Militari oo ku tiilay deegaanka janaale ka qabsatay AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, halkaas oo la sheegay in ay in ka badan 50 askari ku weysay Uganda, inkasta oo uu madaxweynaha dalkaas sheegay in ay halkaas uga dhinteen 12 askari.

3-10-2015-ee sanadkii tagay waxaa kulan ay Golaha wasiirada xiligaas ku yesheen magaalada Muqdisho xilkii looga qaaday Taliyihii Ciidanka Xogga Dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe iyadoona loo magacaabay Maxed Aadan Axmed.

10-10-2015-waxaa kulan uu Madaxweyne Xasan sheekh wax garadka Sh/hoose kula qaatay Afgooye uu Amar ku bixiyay in ciidamadu ay talaabo cad ka qadaan shaqsiyaadka Isbarooyinka dhigta wadooyinka gobolkaas kadib markii ay Odayaash u jeediyay Cabashooyin Madaxweynaha aad u gubay.

11-10-2015-ee Sanadkii Tagay waxaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo uu sheegay in uu san markale usoo tar tami doonin jagada Madaxweyne ee maamulkaas waxaa doorasho ka dhex dhcady xisbiga Kulmiye ee uu hogaanka u yahay ay ku dorteen Masuul kale oo doorashada uga mid noqda.

26-10- 2015-waxaa xilkii gudoomiyaha golka Banaadir iyo duqii Muqdisho laga qaaday Xasan Max’ed Xuseen Mungaab kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne xasan sheekh Max’uud iyadoona lagu badalay Gudoomiyaha iminka talada ahaya Yuusuf xuseen Jimcaale.

28-10-2015-Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland ayaa iska casilay xilkiisi waxaana shir jaraa’id oo uu xiligaas ku qabtay Garoowe uu ku sheegay in uu ka shaqeyn waayay shaqsiyaad uu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Madaxtooyada maamulkaas.

1-11-2015-sanadkii tagay waxaa goor aroor hor ah rag hubeysan oo Al shabaab katirsan ay weerar ku qadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kaas oo isugu jiray Qaraxyo ismidaamin ah iyo rasaas toos.

Raga weerarka soo qaaday oo gudaha gulay Hotel-ka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday in ka badan 16-ruux oo isgu jiray masuliyiin iyo dad shacab ah oo ay ka mid ahayeen Milkiilihii Hotelka C/rashiid shire ilqeyte,Abaan duulihii hore ee Ciidanka Xogga C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan iyo Masuliyiin kale iyadoona durba ay shegteen Al shabaab.

16-12-2015-Muqdisho oo ah magaalada Madaxda dalka waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir loogu magac daray Madasha wada tashiga Qaran kaas oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta Dowlada, kuwa maamul Goboleedyada,Xubno ka socday beesha Caalamka iyo Q,m waxaa shirka oo intiisa badan u muuqday mid laysku mari la’aa gaba gabadii laga soo saaray 7-Qodob oo ku aadanaa qaabka doorasho ee dalka.

17-12-2015-mudo dhowr iyo labaatan sana ah kadib ciyaar guud ahaanba aduunka looga daawaday si toos ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho garoonka Stadium Banaadir taas oo dhexmartay kooxaha Horseed iyo Heegan ee kala taabacsan ciidanka Police-ka Somaliyeed iyo Militriga waxaana guushu ay raacday  Kooxda Horseed.

19-12-2015-Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Somalia waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay madasha shirka maamul u sameynta Hiraan iyo sh/dhexe waxaana lagu sheegay in madasha ay noqon doonto Magaalada Jowhar halka magaalada maamulka markii la dhiso uu ku shaqeyn doonana ay noqon doonta Degmada Buula-barde ee gobolka Hiraan.

21-12-2015-Madaxweyne Xasan sheikh,Xubno wasiiro ah iyo Xildhibaano ayaa gaaray magaalada B/weyne si qeybaha kala duwan ee bulshada ay uga dhaadhiciyaan qaabka maamul u sameynta Hiraan iyo Sh/dhexe is faham waa kadib waxaa markii dambe laysku raacay in qaabka Digreetada loom eel mariyo.

23-12-2015-Muqdisho waxaa xaflad Sagootin loogu sameeyay wakiilkii Q,M u qaabilsanaa Arimaha Somalia Niclos Kay oo mudo xafiiska Q,M ee Somali ku shaqey nayay Munaasabada macsalaameynta waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Xasan sheikh Max’uud iyo R/wasaaraha iyo Masuuliyiin kale.

28-12-2015-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya, kaasoo muddo sanado badan qaatay in la sameeyo.

Islamaalinkaas, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku yiri suxifiyiintii joogtay Fadhigii Baarlamaanka ee maalinkaas “waan idin yasayaa”.

30-12-2015-Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Miisaaniyaddii Sanadkii 2014 ee ay dowladdu isticmaashay.

30-12-2015-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa soo dhaweeyay meel-marinta Xeerka Saxaafadd, waxa uuna ku tilmaamay kan ugu fiican ee ay Warbaahin yeelato.

31-12-2015-Idaacadda Dalsan ayaa Barnaamijkeeda Madasha Saxaafadda waxa ay kusoo gudbisay Dood ku saabsaneed Xeerka Saxaafadda Soomaaliya ee uu Baarlamaanku ansixiyay 28-kii December.

31-12-2015- oo ah maalinkii ugu dambeeyay ee sanadka waxa ay Hay’adda CCA ku qabatay Muqdisho Bandhig Faneed loogu magacdaray Todobaadka Nabadda Muqdisho, halkaasoo ay fanaaniin qurba joog ahi kusoo bandhigeen suugaan u badan heeso ay ka qeybgalayaashii ku raaxeesteen.

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor