Warbixin: Dagaalkii caawa ka socday aga-gaaraha Taraboonka

dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa mudo kabadan 15-daqiiqo waxa uu ka dhacay qeebo kamid ah dagmada Hodan ee gobolka Banaadir.

dadka qaar ayaa sheegay in marqura ay hordada kaga kaceen dhawaqa rasaas xooga oo la’iswiidaarsanayay.

waxaana ilaa iyo haatan warar kala duwan uu ka soo baxayaa qasaraha ka dhashay dagaalka iyo cida uu dhaxmaray.

qaar kamid ah dadka aya Dalsan u xaqiijiyay dagaalku inuu ka dhacay dhoor goobood oo ay kamid tahay aga-gaarka Kulyada jaale siyaad, isgooska warshada Caanaha iyo fadhiisin ay ciidamada ilaalada Imaaraadka ay ku leeyihiin nawaaxiga Tarabuunka ee magalada Muqdisho.

dadka qaar kood ayaa sheegaya dagaalka inuu u dhaxeeyay kooxo hubeensa oo gawaari isticmalayay isla mar’ahaantaana bamboyin ku tuuray inta uu san dagaalka dhici ciidamada ku sugnaa fadhiisimahas.

halka wararka qaarna ay sheegayaan in dagaalku uu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan nabadsugida Soomaaliya oo kormee ku jiray iyo ciidamo ay taba-bareen Imaaradka oo waqtigaas ilaalo xoogan ka hayay wadada isku xirta isgooska tarabuunka ilaa Kulyada Jaale Siyaad ee magalada Magalada Muqdisho.