(WARBIXIN): Dadka Soomnaalida oo ka mid ah Shucuubta ugu farxadda badan guud ahaan Caalamka iyo Carabta.

Inkastoo ay Dadka Soomaaliyeed ku nolol qaadaanayaan Xilli Aadag iyo Xaallad amni-xumo iyo qaraxyo ayaa waxay u muuqdaan inaysan weli farxadda ka suulin, marka loo barbar dhigo Shucuubta kale ee Caalamka.

Warbixin cusub oo laga soo saaray Dadyowga ugu farxadda badan Caalamka ee sannadkan 2016-ka ayey Somalia waxay kaga jirtaa meel aan u liidanin marka loo eego Qiimeynta kale ee dhinacyadda Musuqa iyo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha oo ay Somalia kaga jirta kaalinta ugu hooseyso .

Warnixinta oo loogu magac daray The World Happiness Report 2016 Update, waxaa lagu soo bandhigay Heerka Qiimeynta ee Dadka ku nool 156 Waddan.

Warbixintaasi oo ay isku soo duwday QM ayaa waxaa lagu soo beegay Maalinta ay QM u aqoonsatay Maalinta Farxadda Caalamka (UN World Happiness Day) oo loo dabaaldegi doono bishan March 20-da oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socota.

Dadka Soomaalida waxay qiimeyntaas Caalamiga  ka galeen Kaalinta 76-aad, waxayna dadka Soomaaliyeed ka Farxad iyo Yididiilo wanaagsan yihiin dadyow badan oo ku nool dalal badan oo horumar ka gaaray Nolosha iyo Nabadda, sida Raashiya, Turkiga, Shiinaha, Iiraan, Masar, Morooko, Sudan, Urdun, Pakistan iyo kuwo kale.

SOMALI FARXAD 1

Dadka ku nool Gobalka Somaliland ee W/galbeed ee dalkeenna Somalia waxay Qiimeynta ka galeen Kaalinta 97-aad.

Dhinaca kale, Dadka Soomaalida waxay Kaalinta 8-aad kaga jirta Dadyowga ugu Farxadda badan Dunida Carabta, waxa ka horreeya oo keliya  dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Qatar, Algeria, Kuwayt, Baxrayn iyo Libya.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta Qiimeynta sida ay u kala farxad badan yihiin Dadyowga Caalamka ayaa waxay u kala sarreeyaan sidatan:-

  1. Denmark
  2. Switzerland
  3. Iceland
  4. Norway
  5. Finland
  1. Canada
  2. Netherlands
  3. New Zealand
  4. Australia
  5. Sweden
  6. Israel

12.Austria

  1. United States
  2. Costa Rica
  3. Puerto Rico
  4. Germany
  5. Brazil
  6. Belgium
  7. Ireland
  8. Luxembourg
  9. Mexico
  10. Singapore
  11. United Kingdom
  12. Chile
  13. Panama
  14. Argentina
  15. Czech Republic
  16. United Arab Emirates
  17. Uruguay
  18. Malta
  19. Colombia
  20. France
  21. Thailand
  22. Saudi Arabia
  23. Taiwan
  24. Qatar
  25. Spain
  26. Algeria
  27. Guatemala
  28. Suriname
  29. Kuwait
  30. Bahrain
  31. Trinidad and Tobago
  32. Venezuela
  33. Slovakia
  34. El Salvador
  35. Malaysia
  36. Nicaragua
  37. Uzbekistan
  38. Italy
  39. Ecuador
  40. Belize
  41. Japan
  42. Kazakhstan
  43. Moldova
  44. Russia
  45. Poland
  46. South Korea
  47. Bolivia
  48. Lithuania
  49. Belarus
  50. North Cyprus
  51. Slovenia
  52. Peru
  53. Turkmenistan
  54. Mauritius
  55. Libya
  56. Latvia
  57. Cyprus
  58. Paraguay
  59. Romania
  60. Estonia
  61. Jamaica
  62. Croatia
  63. Hong Kong
  64. Somalia
  65. Kosovo
  66. Turkey
  67. Indonesia
  68. Jordan
  69. Azerbaijan
  70. Philippines
  71. China
  72. Bhutan
  73. Kyrgyzstan
  74. Serbia
  75. Bosnia and Herzegovina
  76. Montenegro
  77. Dominican Republic
  78. Morocco
  79. Hungary
  80. Pakistan
  81. Lebanon
  82. Portugal
  83. Macedonia
  84. Vietnam
  85. Somaliland region
  86. Tunisia
  87. Greece
  88. Tajikistan
  89. Mongolia
  90. Laos
  91. Nigeria
  92. Honduras
  93. Iran
  94. 106.Zambia
  1. Nepal
  2. Palestinian Territories

109.Albania

  1. Bangladesh
  2. Sierra Leone
  3. Iraq
  4. Namibia
  5. Cameroon
  6. Ethiopia
  7. South Africa
  8. Sri Lanka
  9. India
  10. Myanmar
  11. Egypt
  12. Armenia
  13. Kenya
  14. Ukraine
  15. Ghana
  16. Congo (Kinshasa)
  17. Georgia
  18. Congo (Brazzaville)
  19. Senegal
  20. Bulgaria
  21. Mauritania
  22. Zimbabwe
  23. Malawi
  24. Sudan
  25. Gabon
  26. Mali
  27. Haiti
  28. Botswana
  29. Comoros
  30. Ivory Coast
  31. Cambodia
  32. Angola
  33. Niger
  34. South Sudan
  35. Chad
  36. Burkina Faso
  37. Uganda
  38. Yemen
  39. Madagascar
  40. Tanzania
  41. Liberia
  42. Guinea
  43. Rwanda
  44. Benin
  45. Afghanistan
  46. Togo
  47. Syria
  48. Burundi

Haddii aad doonaysid Warbixintan oo dhamaystiran waxaad gujisaa ama aad (Click) siisaa qoraalkan: The World Happiness Report 2016 Update .

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor