(WARBIXIN): Dadka Reer Beled-weyne oo shan dhibaato nololeed haysato & daadadka oo dhinac kasta ka maasheeyey

Dadka ku nool Beled-weyne waxay ka barakaceen Daadadkii ka dhashay Roobabka Gu’ga iyo Fatahaadda Webiga oo saamayn ku yeeshay inta badan Xaafadaha Beled-weyne.

Boqolaal Qoys oo barakac ah ayaa gaaray Deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka B/weyne, kuwaasi oo xaallad adag ku haysato halkaasi.

Barakaca ka sokow, waxay dadku haysanin waxyaabaha daruuriga u ah Nolosha, mana awoodi karaan inay wax ku gataan Lacagaha ugu kaydsan Mobaylka ee EVC Plus ama Lacagta Shillinka Soomaaliga oo horey loo diiday in wax lagu iibiyo.

Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee B/weyn hawada ka maqan tahay, kadib, markii la damiyey Shirkadda Korantada Dayax ee  adeegga Korantada siin jirtay B/weyne iyo deegaano kale.

Ilaa 3 qof ayaa la xaqiijiyey inay Koronto dishay, iyagoo dhex maraya Waddo ay taallay Fiilo dab lahayd oo ay Shirkadda Dayax leedahay.

Xaalladda dadka ka barakacay B/weyn ayaana u muuqata mid sababi karta Xaallad Aadminimo oo aad u daran, loona baahan yahay in lala gaaro Gurmad Degdeg ah oo isugu jira Hu’, Raashin, Daawooyin iyo Biyo Nadiif ah.

Qaar ka mid ah Waaya-u-jooga Deegaankaasi ayaa rumeysan inay dadka Reer B/weyne ku jiraan Xaalladdii ugu xumeyd abid,  oo ay u wehliso dhibaato dhanka Maciishadda iyo iyagoo aan isticmaali Karin Adeega Lacageed ee Mobaylkooda (EVC Plus).

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare  oo ku sugan B/weyne waxa uu ugu baaqay DFS iyo Beesha Caalamka inay Reer B/weyne la soo gaaraan Gargaar Aadminim oo Degdeg ah.

Waxa uu hadalkaasi ka jeediyey, isagoo dhex taagan mid ka mid ah Xaafadaha B/weuyne ee uu webiga ku fatahay, wuxuuna sheegay inuusan Maamulkiisa dabooli Karin Masiibadda ka dhacay B/weyne.

Si kastaba ha ahaatee, Beled-weyne ayaa noqotay Magaallo ay daadadku dhinac kasta ka maasheeyeen. Kana barakaceen Kumanaan ka mid ah Qoysaska deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media