(Warbixin) Caqabado cusub oo ku hor gudban War-murtiyeed ka soo bixi lahaa Shirka Madaxda Qaranka iyo Maamul-gobaleedyada

Sida la qorsheynayo, gelinka damba ilaa berri subax ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo Shirka Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda maalmahan uga socday Xarunta Villa Somalia.

Shrkaasi oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda qeybta ka ah Federalka dalka ayaa waxay si gaar ah u gorfeeyeen Ajendayaal ay ka mid yihiin Ammaanka, Dastuurka, Federaalka, Dooprashadda soo socota iyo Qeybsiga Kheyraadka.

Ilo ku dhow Shirka ayaa sheegayo inay Madaxda labada dhinac isku aragti ka noqdeen Arrimaha Amniga iyo Dagaalka Alshabaab, balse waxaa jiro Ajendayaal kale oo ay ku kala Aragti duwan yihiin.

Qoddobka Dastuurka, Xiriirka Labada dhinac, Muranka ka dhashay Khilaafka Khaliijka iyo Istaraatijiyadda Ammaanka iyo Isku-dhafka Ciiddamadda ayaa la sheegay inaan weli Is-faham laga gaarin.

Waxa kale oo uu Buuq ka jiraa Qorshaha ay Madaxda 5-ta Maamul-gobaleed ku doonayaan in lagu dhiso Guddiyo cusub oo dhinaca Dastuurka, balse Madaxweynaha DFS ayaa ka biyo diidsan Hindisahaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku dhegaan yahay in Guddiyadda Dastuurka iyo Amniga ee Labada Gole ee BFS loo madax bannaaneeyo Arrimaha Dib-u-eegista iyo Dhamaystirka Dastuurka Qaranka.

Xubno ku dhow Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda ayaa sheegay inay Labada dhinac isku khilaafsan yihiin Qaabka Qoraalka War-murtiyeedka ee ay sida wadajirka u soo saari doonaan.

Maadxda Maamul-gobaleedyadda waxay Go’aan Muqadas ah u arkaan in War-murtiyeedka  Kama Dambaysta lagu muujiyey magaca Golaha Iskaashiga Dowlad-gobaleedyadda ee ay bishii hore ku soo dhidbeen magaalladda Kismaayo.

Dowladda Federalka ayaa mabda; ahaan ka goos adeegtay inay aqoonsato Golahaasi, waxayna u aragtaa mid Rimay Gacmeed ah oo aan meelna kaga qornayn Axdi-arameedka KMG ee Qaranka, , isla markaana aan lagu dhisin Talo lagu mideysan yahay.

Waxaana laga yaabaa Madaxda Maamul-gobaleedyadda ku wada qanaci doonaan War-murtiyeedka Shirkaasi ka soo baxi doona, haddii aan lagu muujinin magaca Golaha Iskaashiga Maamul-gobaleedyadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan Waxaa inuu Guddoomiyaha Golahaasi, ahna Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas uu ku dhawaaqi doono marka uu soo baxo War-murtiteedka  inay DFS marin habaabisay Ujeedada Shirkaasi iyo inay saluugsan yihiin  natiijadda Shirkaasi..

Si kastaba ha ahaatee, Kulamadda Labada dhinac ayaan laga filan Karin Isbedel Siyaasadeed oo horseedi kara inay isku soo dhawaadaan iyo inay mideeyaan Iskaashiga Guud ee Danaha Qaranka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media