(Warbixin): Aga Khan oo lagu eedeeynayo inuu af-qabanayo Saxaafadda Kenya.

Maalqabeenka Aga Khan ayaa lagu eedeynayaa inuu wax u dhimayo Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Kenya, kadib, markii uu dhawaan shaqada ka eryey Godfrey Mwampemnwa oo caan ku ah Sawir-gacmeedyadda siyaasadda (Political cartoonist), kaasi oo u shaqeynayey Wargeyska Maalinlaha ee Kenya’s Daily Nation.

Wargeyskaasi oo ka mid ah Wargesyadda ugu akhriska badan  Bariga Afrika waxaa iska leh Ganacsade British oo lagu magacaabo Prince Karim Aga Khan, kaasi oo ka mid ah Maalqabeenadda ugu caansan Caalamka.

Prince Karim Aga Khan waxaa haatan lagu eedeynayaa inuu oggolaaday codsiyo uga yimid Dowladda Kenya inuu aamusiyo Wargeyska si uu u ilaashado Danaha Gnaacsiga ee uu ku dhex leeyahay Kenya.

Dowladda Kenya waxay awoodaa inay ku kordhiso ama ka dhaafto cabshuurta Prince Karim Aga Khan oo xaasaskii hore ee aabihiisa oo ay ku jirtay Aktaradda Rita Hayworth ku soo koreen Nairobi, kuna aaseen Wargeyska The Daily Nation sannadkii 1960-kii.

Wargeyska ayaa noqday midka hayinka u haya Wargeysyadda ka soo baxa dalka Kenya.

aga khan and Farah PahlaviGanacsiga weyn ee uu Prince Karim Aga Khan ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka Aga Khan Hospital, Hotelka The Serana, Shirkado Caymiska, Bangiga Kenya iyo danaha Warbaahintiisa muddada dheer.

Tan iyo bishii November ee sannadkii hore, Suxufiyiin sarsare ayaa laga eryey Wargeyska Daily Nation oo uu ka mid yahay Kartoonistaha Gado iyo Tifaftiraha Maamulka oo bilowgii sannadkan qoray Maqaal uu ku garaacay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku guul-daraystay inuu wax ka qabto Musuqa.

Suxufiyiinta iyo Madaxda Hawl-fuliyayaasha waxay ku eedeynayaan  Aga Khan mashruuca uu Dowladda Kenya la galayo, iyadoo ay food ku soo hayso Doorashadda Madaxtinimadda ee Kenya oo dhici doonta sannadka soo socda.

Inta badan waxay ka baqanayaan inay Dowladda doonayso inay ku guuleysato doorka Xorriyadaha.

Afhayeenka Aga Khan waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinkaasi, wuxuuse beeniyey inay Dowladda cadaadis ku hayso.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Epinisu ayaa sheegay inaysan Madaxtooyadda wax ay ka qabato jirin arrintaasi.

Waxa uu intaasi ku daray: “Qof kasta waxa uu leeyahay waa inay taasi noqonin wax waalan oo kale”.

Tifaftirihii hore ee Daily Nation, Joseph Odindo oo haatan ah Tifaftiraha Guud ee Wargeyska The Strndard ee ay leeyihiin qoyska Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Arab Moi waxa uu sheegay inay xaqiiqdu yahay inay dhamaan Warbaahintu lagu hayo cadaadis badan oo dhinaca Dowladda ah.

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

Xigasho: Independent.co.uk

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor