Warbixin: 1,182 Qaxooti Somali ah oo galay Maraykanka doorashadii Donald Trump kadib.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump Xafiiska Aqalka Cad la wareegay bishii January 20-dii ee sannadkan, ku-dhawaad 2,500 Qaxooti ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Syria ayaa galay Maraykanka, kuwaasi oo 99% Muslimiin ah.

Inkastoo uu Donald Trump xayiraad ku soo rogay Muslimiinta ka soo jeeda 6 dal ayaa waxaa hoos u dhacay qulqulka Qaxootiga, inkastoo ay haatan gaareen 900 qof inay isbuuciiba galaan dalkaasi.

Muddadii u dhexeysay March 31-dii ilaa April 5-dii waxaa Maraykanka galay 836 qof oo ka soo jeeda dalalka laga mamnuucay soo-gelitaanka Maraykanka, kuwaasi oo kala ah: Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Iran iyo Yemen.

Xarunta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan tabagelinta arrimaha Qaxootiga ayaa sheegay in 6-dii maalmood ee ugu dambaysay ay Maraykanka soo galeen 163 Syrian ah iyo 107 Qaxooti Somali ah.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilka la wareegay, 1,317 Qaxooti Syrian ayaa galay Maraykanka, kuwaasi oo 15 ka mid yihiin Kirishtaan, hal 3 kalena ka soo jeedaan Qowmiyadda Yazidi.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay 1,182 Qaxooti Soomaali ah galeen Mraaykanka tan iyo markii uu Trump xilka la wareegay, kuwaasi oo dhamaantooda Muslim ah.

Qaxootiga Soomaalida ee haatan Deganaanshaha Dib-u-dejinta ka helay Mraykanka waxy ka badan yihiin 132,000 oo qof.

Tan iyo sannadihii 1990-aadkii, waxaa la sheegay in Maraykanka soo geli jireen sannadkiiba 8,000 oo Somali ah.

Si kastaba ha ahaatee, Labadii Amar Fulineed ee uu Mdaxweyne Trump soo kala saaray bishii January 27-dii iyo bishii March 6-dii ayaa u muuqta inaysan u hirgelin sidii uu Donald Trump ku talamayey.

Xeer-ilaaliyayaal Federal oo miisaan leh ayaana laalay Awaamiirtaasi, iyagoo fasaxay inay Maraykanka so ogeli karaan Dadka Muslimiinta ee uu Trump ku soo rogay Xayiradda Socdaalka.

Rajada keliya ee Fulinta Amarkiisa Xayiraadda ayaa waxay haatan hortaallaa  inay Maxkamadda Sare ee Maraykanka ku samayso dib u eegis.

©Radio Dalsan