Wararkii ugu danbeeyay Toogasho khasaaro dhalisay oo ka dhacday Qudus

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhaawacmay weerar ay dabley hubeysan ka geystay deegaanno kala duwan magaalada Qudus, sida laga soo xigtay saraakiisha Israa’iil.

Dableyda ayaa rasaas ku furtay bas iyo goob baabuurta la dhigto oo ku taalla meel u dhaw deegaanka taariikhiga ah ee ‘Xaa’idul Buraaq’ abbaare 01:24 wakhtiga Israa’iil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Booliska Israa’iil ayaa ku raad joogaa raggii hubeysnaa ee weerarka geystay kuwaas oo la rumeysan yahay inay goobta ka baxsadeen. Afhayeen u hadlay booliska Israa’iil oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa dhacdada ku tilmaamay ‘weerar argagixiso’.

Waaxda adeegga gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ayaa sheegtay inay qaabileen dhowr qof oo ku dhaawacantay weerarka oo ay kamid yihiin labo qof oo ay xaaladdoodu cusleyd.

Waxay intaa ku dartay in lix qof oo rag ah iyo haweeney ku dhaawacmay weerarka loo qaaday isbitaallo ku yaalla magaalada Qudus.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda tirada dableydii weerarka fulisay inkastoo warbaahinta Hebrew ay ku warrantay in booliska ay ku raad joogaan labo qof oo looga shakisan yahay inay toogashada geysteen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor