Wararkii ugu danbeeyay Dad farabadan oo ku hoobtay Dab ka kacay Xarun kaniisad

Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dab ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar. Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Waxay wararku intaa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carruur ahaayeen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas. Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay. Lama oga weli waxa dhabta ah ee sababay dabkaas.

Yasir Munir, oo ka mid ah dadkii ku cibaadeysanayay kaniisadda, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in iyagoo saaran dabaqa afaraad ee kaniisadda ay arkeen qiiq kasoo baxaya dabaqa labaad.

Dadka ayaa markaa kadib ku cararay jaranjarada, iyagoo kadibna isku kor dhacay halkaas oo dhaawac uu ka dhashay. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, ayaa tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay kaniisadda.

Xafiiska dacwad oogidda dalkaas, ayaa sheegay inay goobta u direen koox soo baarta waxa sababay dabka. Dadka Kirishtaanka ah, ayaa ugu yaraan 10 milyan ka ah bulshada Masar, ee gaaraya 103 milyan oo qof.