Wararkii ugu dambeeyay xiisada Ukraine iyo Ruushka oo Cirka isku sii shareertay

Ruushka ayaa Talaadadi ciidamo dheeraad ah u diray xadka Belarus, kuwaas oo ay khubarada millatariga reer Galbeedka ku sheegeen inay u muuqato diyaar-garowga duullaan ay suurtagal tahay in Ruushku ku qaado Ukraine.

Iyada oo ay xiisaddu cirka isku sii shareereyso, ayuu Mareykanka ka digay in Ruushka uu xilli walba weerari karo dalka deriska la ah ee Ukraine, halka Britain ay ay u dirtay Ukraine qeyb ka mid ah hubka lidka taangiyada.

Wasiirka Arrimaha Difaaca Ruushka Alexander Fomin ayaa sheegay in ciidamada Ruushka iyo kuwa Belarus ay si wada jir ah u sameyn doonaan dhoollatus millatari oo uu ku sheegay mid jawaab u ah khatar dhinaca gudaha ah.

Saraakiisha Ukrain ayaa iyaguna ka digay in Ruushka ay kasoo weerari karto dhowr jiho oo ay ku jirto Belarus.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor