Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Magaalada Qudus oo Maanta aad u kacsan

In ka badan kun qof oo Yahuud ah ayaa galay barxadaha Al-Aqsa iyagoo ay ilaalinayaan ciidamada Israa’iil, waxaana lagu wadaa inay socod ku maraan goobaha Muslimiinta ee Magaalada qadiimiga ah ee Quddus iyadoo ay Falastiiniyiintu ka digayaan inay sababi karaan rabshado.

Dabaaldegga calanka ayaa ku beegan maalinta Qudus ee Israa’iil, taas oo u dabaaldegaysa qabsashadii ay bariga Quddus ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

Israa’iil ayaa waxay Qudus oo dhan u haysataa inay tahay caasimaddeeda, taasoo ay diideen dalalka badankooda iyo Falastiiniyiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor