Warar kala duwan oo ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay Dagaal Alshabaab iyo kuwo Mareykan ah ku dhexmaray Sh/hoose.

Ciidanka dowlad iyo kuwa Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ku qaadeen tuulooyin ay kamid yihiin Daanyeereey oo hoostaga Degmada  Owdhiigle ee Gobolka Sh/hoose.

Diyaaro ilaa labo iyo sedex gaaraya ayey ciidamada huwanta kaga dageen meel  aan ka fogeyn goobta  ku dhexmaray Alshabaab iyo kuwa Huwanta.

Ciidamo  Mareykan ah ayaa  la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkaasi,waxaana jira khasaaro labada dhinac soo gaaray.

Xubno katirsan Maamulka Gobolka Sh/hoose iyo kan Koonfur galbeed oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin dheeraad ah ay ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi,waxeesa noo xaqiijiyeen Jiritaanka Dagaalkaasi.

Dhinaca kale Taliska Howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa Xaqiijiyay in Weerarkaas ay ciidamadooda qaadeen,oo looga dilay hal askari oo mareykan ah mid kalena looga dhaawacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media