Warar Kala duwan oo ka soo baxaya Diyaarad Duqeysay Aaga ay isku hor fadhiyaan Ciidanka XDS ee duleedka Balcad iyo khasaaro Ciidanka ka soo gaaray

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee dhawaan la wareegay deegaano ka mid ah Wadada u dhaxeysa degmooyinka Afgoye iyo Balcad ee gobolada Shabeellooyinka ayaa maalmahaan waxa ay la kulmayeen weeraro kaga imaanayay dhanka Al-Shabaab.

Jimcihii shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa weerar ku soo qaaday deegaanada Basra iyo Daniga oo ah fariisinka Ciidamada Dowladda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu halkaasi ka bilaawday dagaal mudo saacado ah socday oo labada dhinac dhex maray.

Dalsan ayaa heshay Warar ku saabsan in dagaalkaas ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal kuwaas oo la sheegayo in duqeyn dhanka cirka ah ay ridayeen qaarkood ay ku dhaceyn fariisinka Ciidanka dowladda Soomaaliya qaarkoodna ay khasaaro ka soo gaartay.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in duqeynta dhanka Cirka ah ay waxyeelo ka soo gaartay Ciidanka dowladda iyo Gaadiidka qaarkood intii uu dagaalkaas socday taasi oo keentay in Ciidanka dowladda ay Aagii dagaalka ay isaga soo baxaan.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Dalsan waxa uu sheegay in ciidamdu ay qorsheynayaan in ay deegaanada labada Shabeelle kaga sugan yihiin Al-Shabaab kala wareegaan.

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media