Sawirro: Warar hordhac ah oo ka soo baxaya qaraxii ka dhacay degmada Waaberi

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga degmada Waaberi waxana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah uu geestay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka degamda Waaberi ayaa sheegay in qaraxas uu ahaa Gaari ay ka buuxaan waxyaabha qarax kaas oo yaalal Albaabka hore ee Saldhiga islamarkana uu qarxay,waxaana Burbur xooggan uu soo gaaray qaar ka mid ah Carwooyin Dharka lagu iibiyo iyadoo ay Maanta ahaayeen kuwo Mashquul ah.

Warar hordhac ah oo soo baxay ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro soo gaaray dad rayid ah,iyadoo weli dhimashad qaraxaas aan la xaqiijin karin balse la soo sheegayo in Isbitaalka Daaru-Shifaa la gaarsiiyay in ku dhow 15 ruux.

Ciidamo farabdan oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya ayaa haatan goobta ku sugan kuwaas oo xiray Wadada soo gasha Saldhiga degamda Waaberi.

Sawirro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media