Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerarkii ka dhacay deegaanka Cumar Jilacow

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashay weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Kenya ay ku leyihiin deegaanka Cumar Jillacow oo u dhow Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi kenya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxay xaqiijiyeen in weerarkaas uu ku dhintay gudoomiyihii deegaanka Cumar Jillow halka Askar kale oo la socotay ay weerarkaas dhaawac ka soo gaaray waxaana sidoo kale saraakiishu ay shaaciyeen in laba Askari oo kale ay ku maqan tahay Gacanta Kooxdii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.

Warkaan ayaa waxaa qoray Wargeyska the Star e ka soo baxa dalka Kenya,ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xaalada Goobta ay iminka tahay mid degan islamarkaana Ciidamo faraabdan oo ka tirsan kuwa kenya ay iminka Goobta ku sugan yihiin kuwaas oo baaritaano dheerada ah wada.

Al-Shabaab ayaa dhankooda War ay soo saaren waxa ay ku sheegen in ay weerarkaas ku dileen Askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda kenya.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media