Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsaday Xabsiga Garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, ayaa sheegaya in guri ay maxbuus ku ahaayeen Maxaabiis Shabaab ah inay ka baxsadeen halkaasi.

Maxaabiista ayaa waxa ay gaaraysa illaa 10 ruux, waxaana u suuragashay inay ka fakadaan gurigii lagu dhaqancelinaayay oo ku yaalo Magaalada Garowe.

Maxaabiistaan ayaa horay waxaa loogu soo qabtay dagaaladii Shabaab iyo ciidamada Puntland ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Saraakiisha Puntland, waxa ay sheegeen baaritaan ay sameeyeen inay ku soo qabteen hal ruux oo ay uga shakisan yihiin inuu ka tirsanaa Maxaabiistii baxsatay.

Xaruntan ay ku xareysanaayeen ayaa waxaa amnigeeda u xilsaaranaa Ciidanka Asluubta Puntland, lamana oga sababaha keenay baxsashadooda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media