(WAR SAXAAFDEED): Garabyadda Hoggaankii NUSOJ oo lagu baaqay inaan lala shaqeynin.

Guddiga Isku-xilqaamay Xalinta Khilaafka Hoggaaminta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia  (NUSOJ) ayaa maanta soo saaray War-Saxaafadeed ay ku sheegeen inaan lala shaqeynin Maxamed Ibraahim Pakistan iyo Cumar-faaruuq Cismaan oo iyagu isku haysta Xilka Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Khilaafka Labaa Mas’uul  waxa uu soo taxnaa muddo dhowr sanno ah, iyadoo uu Mas’uul kasta sheeganayo inuu yahay Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Hoggaanka NUSOJ waxay sheegeen inay xaliyaan Khilaafka Shaqsiyadeed ee uu dhexeeyey Maxamed Pakistan iyo Cumar-faaruuq waa sida lagu xusay War Saxaafadeed ay Guddigaasi soo saareen oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey Radio Dalsan.

Guddiga waxay ugu baaqeen Dowladaha iyo Ururadda Calaamiga ee taageera Saxafaadda Somalia inaysan la macaamilin Garabyadda Hoggaanka NUSOJ.

War Saxaafadeedka waxaa lagu xusay in Toddobaadka dambe la qaban doono Wejiga Labaad ee Wada-xaajoodka si ay Suxufiyiinta uga tashadaan sidii loo dooran lahaa Hoggaanka cusub ee NUSOJ.

Dhowr qof ayaa la hadal-hayaa inay isku soo taagi doonaan xilka Xoghayaha Guud ee NUSOJ, mana kala cadda qofka ku guuleysan doona Doorashadaasi oo ay Ergooyin Suxufiyiin ah u cod bixin doonaan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor