War saxaafadeed : Xiriirka Soomaaliya iyo China oo 55-sano jirsaday

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faaneysaa inay u dabaal degto 55-sano guurada ka soo wareegatay Xiriirka Soomaaliya iyo China oo ah mid laba geesood wadaag ah oo miradhal leh .

Soomaaliya iyo China waxaa ay wadaagaan xiriir taariikheed qoto dheer iyo aragti mideysa ka guul gaaridda horumarka iyo barwaaqadda oo ku dhisan xushmad wadaag iyo iskaashi hiigsi leh .

Xukuumadda Soomaaliya iyo Shacabkeeda waxaa farxad u ah taageerada joogtada ah ee China , iyo dadaalada aan dib ugu dhiseyno dalkeena. Shacabka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Shacbiga China waxa ay cadeeyeen ka qeybgalkooda tooska ah iyo taageerada kala duwan ee ay u fidinayaan Soomaaliya .

Maalintani taariikhda leh , Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la dabaal degeysaa China , hore-usocod horumar leh, waxaanu raadineynaa wax wadaagid si loo gaaro horumar joogta ah iyo iskaashi dhaqaale oo guul leh .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor