WAR SAXAAFADEED -Todobaadka Ololaha Caalamiga ah Waxbarashada 24-30 April 2016

Somalia EFASOM Activities of GAWE 2016 – Day 5 – Press Conference

WAR SAXAAFADEED – PRESS RELEASE

Todobaadka Ololaha Caalamiga ah Waxbarashada 24-30 April 2016

“Hada Maalgeli Waxbarashada si loo helo Mustaqbal Hagaagsan”

Ururka wadanniga ah ee U-dooda Waxbarasho Loo Siman Yahay Soomaliya (Education For All Somalia – EFASOM) waxay dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direysaa hambalyo ku aadan munaasabadda Todobaadka Ololaha Caalamiga ah Waxbarashada 24-30 April 2016.
Ololahan waa mid dunida oo dhan ka socda waxaa uu ujjeedkiisu yahay si loo wacyigeliyo muhiimada ay leedahay kor-u-qaadida tayadawaxbarashada.

Halku-dhiga sanadkan wuxuu yahay “Hada Maalgeli Waxbarashada si loo helo Mustaqbal Hagaagsan!
Waxbarasho tayo leh waa furaha horumarka, amaanka, caafimaadka, iyo dhamaan 17ka hadaf ee horumarka dadka.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa:
1.      Bahda Waxbarashada
2.      Wasaaradda Waxbarashada
3.      Hayadaha ku howlan sare-uqaadida tayada waxbarashada
4.      Ardadda Soomaaliyeed, Waalidiinta iyo Macalimiinta
5.      Maamulayaasha Dugsiyadda ee Waxbarashada asaasiga, dugsiyada sare,
iyo tacliinta sare
6.      Daladaha Waxbarashada Dalka
7.      Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed
In la iska kaashado sidii loo maalgelin lahaa kaabayaasha Waxbarashada dalka, tababarka macalimiinta, horumarinta manhajka, dayactirka dugsiyada iyo dhiiri-gelinta ardada. Waxaan codsaneynaa dugsiyada hada diyaarka ah ee la dayactirey in la howl-geliyo si ay ardada saboolka,
caruurta wadooyinka jiifa, iyo ardada qaba baahiyaha gaarka loo siin lahaa waxbarasho nidaamsan oo tayo leh.
Waxaa diyaariyey: EDUCATION FOR ALL SOMALIA,
Mogadishu – Somalia , Email:[email protected],www.efasom.org,
Taariikhda: 28-April-2016

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor