WAR SAXAAFADEED: Kharajka Isdiiwaan-gelinta Musharixiinta Labada Aqal ee Barlamaanka oo la soo bandhigay.

 

Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa soo bandhigay Kharajka Lacagaha Isdiiwaan-gelinta ee Musharixiinta u tartamayso Kuraasta Barlamaanka soo socda iyo Xisaab Bangiyeedka lagu soo shubayo Kharajka Musharixiinta..

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddigaas ayaa lagu faahfaahiyey qaabka ay Musharixiinta Laba Aqal ee Barlamaanka soo socda isku diiwaan gelinayaan.

Xildhibaanadda doonayso inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa lagu casuumay inay iska diiwaan geeliyaan  Golaha Fulinta ee Dowladda.

Kharajka Is-diiwaan gelinta Musharixiinta Ragga ee ka mid noqon doona Aqalka Sare  oo ay dejiyeen Hoggaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ah lacag dhan 10,000 oo Dollar, halka Haweeneyda Musharaxa ah laga doonayo Kharajka Is-diiwaan gelinta oo dhan 5,000 oo Dollar.

Diiwaan-gelinto ma dhamaystirmayso ilaa laga wada bixiyo Kharajka, lana hubiyo dhamaan Dukumentiyadda.

Sidoo kale, Musharixiinta Aqalka Shacabka ayaa lagu casuumay inay isku diiwaan geliyaan xilliga loo cayimay Xafiisyadda Guddiga Doorashadda ee Heer Dowladeed.

Musharixiinta waa inay soo buuxiyaan Foomka Diiwaan-gelinta iyo Codsiyadda looga baahan yahay sida Warqadda Caddaynta Lacag-bixinta ee Xisaab Lacageedka Bangiga.

Diiwaangelintu ma noqon doonto mid dhamaystiran ilaa laga bixiyo Kharajka, lana wada hubiyo dhamaan Dukumentiyadda.

Kharajka Isdiwaan gelinta ee Musharaxa ragga ee ka mid noqon doona Aqalka Shacabka waa 5,000 oo Dollar, halka haweeneyda Musharaxa ah ay bixin doonto lacag dhan 2.500 Dollar.

Lacagaha Is-diiwaangelinta Musharixiinta doonaya Xildhibaanimadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda waxay ku soo hagaajinayaan Xisaab-lacageedka Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyinka ee tirsigiisu yahay 104104638 ee Dahabshil Bank Interrnational .

Xarunta Dhexe ee Bangiga ee Jidka Maka Almukarama, Hodan, Mogadishu. Swift Code: DBISD112

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media