War Saxaafadeed ka soo baxay W.Arrimaha Dibadda ee Somaliya

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa u sharaf ah inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz  oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .

Danjire Stephen M. Schwartz waa Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya. Magacaabistiisa waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka .

Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka .

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada

Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.twitter.com/MofaSomalia

https://www.facebook.com/Mfa.Somalia

IMG_1512 IMG_1516 IMG_1523 IMG_1603

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor