War saxaafadeed (Faafin degdeg ah)+Sawirro

Mogadishu, March 01 , 2015 –  Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa dadaalada Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee ku aadan Soomaaliya iyo kaalinteeda  wax ku oolka ah ee yareynta dhibaatada bani’aadanimo ee shacabka Soomaaliyeed.

Waaxaanu xushmeyneynaa kaalinteeda bani’aadanimo ee lagu daweynayo dhaawacyadii weerarkii argagaxiso ee lagu beegsaday Central Hotel , Maalintii Jimcaha , kuna beegneed  February 20 , 2015 , iyadoo dowladda Imaaraatka ay soo dirtay diyaarad  lagu daad gureeyay dhaawacyada 13 ruux , si loogu fidiyo adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u jeedineynaa Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta  HH Sheikh Khalifa bin Zayed         Al Nahyan , Dhaxalsugaha Abudhabi ahna Kuxigeenka Taliyaha sare ee Ciidamada HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan,  Madaxweyne kuxigeenka , Ra’iisul wasaaraha ahna Xaakimka Dubai  HH Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum , iyo shacabka  Walaalaha aan nahay ee Imaaraat-ka , waxaanu u rajeyneynaa Ammaan, deganaansho iyo horumar .

 

DHAMMAAD

IMG_0362 IMG_0364 IMG_0365 IMG_0381 IMG_0398 IMG_0410 IMG_0421 IMG_0422 IMG_0444 IMG_0463 IMG_0466 IMG_0468 IMG_0489

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor