(WAR MURTIYEED):Ku Dhawaaqida Xisbiga Madasha Wadaniga

Sida la ogyahay, Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyadu waxaa lagu daahfuray Bayaanka Isbeddel Doonka ee 5tii bisha Janaayo, 2015. Madasha waxaa ku bahoobay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xisbiyo. Isbahaysigaas wuxuu isku waafaqay in wadajir looga shaqeeyo difaacidda dimoqraadiyada, maamul wanaaga, sareynta sharciga iyo soo celinta Midnimada iyo wadajirka Somaliyeed. Sidoo kale, waxaa laisla gartay in asaas adag loo dhigo horumar dhaqan dhaqaale ku dhisan caddaalad iyo sinaan bulsho, lagana hortago musuq maasuqa iyo ku tagri falka hantida dadweynaha, loona hawl-galo dhiirrigelinta Siyaasad hufan oo loo tartamo oo ku dhisan doorasho xor ah oo muwaadhin walba ka qayb galo.

Hawlihii muhiimka ahaa ee Madashu soo qabtay muddada sanadka ka badan waxay iftiimiyeen baahida weyn ee loo qabo in loo guuro xisbi siyaasadeed oo wadani ah oo dalkoo iyo dadkoo dhan matala, xisbigaas oo naga gudbiya siyaasada guracan ee qabiilaysan, una hawlagela hirgelinta nidaamka axsaabta badan si dadkeenu u helaan xuquuqdooda ka qaybgalka siyaasadda dalka ayna u suurto galaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Sidaas darteed, maanta oo taariikhdu tahay 6da Feberaayo, 2016 waa maalin farxadeed oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed. Waxaan goobtaan quruxda badan si rasmi ah u daahfuraynaa Xisbiga MADASHA WADANIGA. Xisbiga Madsha Waddaniga waa xisbi qaran oo ka tarjumaya mabaadi’da Bayaankii Jennayo 2015. Xisbigu wuxuu horumarinayaa isbahaysiga siyaasadeed iyo wada-shaqaynta kala dhaxaysa axsaabta iyo siyaasiinta kala ee dalka. Qabanqaabada iyo dhismaha xisbiga Madasha Waddaniga wuxuu intii muddo ah ka socday magaala madaxda iyo gobollada dalka iyo sidoo kale xarumaha qurba joogta Soomaaliyeed, waxaana asaasay boqolaal Somaali ah oo jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Ilaa inta laga ansixinayo Shariciga Xisbiyada oo hawshiisu socoto, hawlaha Xisbiga MADASHA waxaa lagu wadayaa iyadoo lagu dhaqmayo Axdigiisa Kumeelgaarka. Xisbigu wuxuu shirar goboleedyo ku qabandoonaa degaanada Dawladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo deegaamada qurbajoogta; shirarkaas oo hordhac u noqonaya Shirweyne heer Qaran oo lagu qabandoono magaala Madaxda JFS ee Muqdisho.

Ugu dambeentii; anigoo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga waxaan, magaca xisbiga ugu hambalyeenaynaa dhamaan asaasyaasha iyo xubnaha Xisbiga, meel kasta oo ay joogaan. Waxaan u rajeynayaa hawlqabad waxkuool ah oo lagu badbaadiyo dalkeena iyo dakeena horumar loo ayaana horseeda. Walaahayga Somaaliyeed, rag iyo dumar waxaan ku boorinaynaa inay kusoo biiraan halganka dheer ee uu ambaqaaday Xisbiga Madsha Waddaniga. Waxaa inoo balan ah higsiga midaynta dalkeena iyo dadkeena, dowladnio hufan iyo horumar dhaqan dhaqaale oo loo siman yahay.

Hal ku dheggeenu waa

Dal iyo Dad Mid ah iyo Dowlad Shaqaysa

Naga guddooma salaan iyo hambalyo

Soomaaliya Hannoolaato! Somaaliya ha Israacdo

Dhamaad

MADASHA2

MADASHA00

MADASHA3 MADASHA1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor