War-murtiyeedka Nidaamka Doorashadda ee 2016-ka.

Madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxay shalay soo gebagebeeyeen Shirkii bishan January 24-dii uga furmay magaalladda Muqdisho ee looga hadlayey Nidaamka Doorashadda ee sannadkan.

Dowladda Federalka ayaa marti-gelisay Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Mahad Cawad, Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Jubbaland, K/galbeed iyo Galmudug, Wasiiro iyo Ergooyin ka kala socday Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda xubnaha ka ah Federalka Somalia.

Kulankaasi oo socday muddo 2 maalmood, waxay Hoggaamiyayaasha Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda sii wadeen qorshahooda Wada-xaajoodka lagu sii ambaqaaday Shirkii Wada-tashiga Qaranka ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Kismaayo, waxaana la sameeyey dadaal kasta si Heshiis Tanaasul leh loogagaaro Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016-ka iyo Xaqiijinta Qorshahaasi.

Haddaba, gunaanadkii Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ku yeesheen magaalladda Muqdisho waxaa laga soo saaray Jadwalka Shaqo oo Nidaamka ugu wanaagsan ee loo qaban karo Doorashooyinka sannadkan 2016-ka.

War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkaasi ayaa waxa lagu soo bandhigay Nidaamka Doorashadda Kuraaska Barlamaanka iyo Tirooyinka loo qoondeeyey Maamul-gobaleedyadda.

Aqalka Hoose ee Barlamaanka (Lower House of Parliament):

  • Tiradda Kuraasta Barlamaanka ee Aqalka Hoose waxa uu noqon doonaa 275 Kursi.
  • Kuraasta Aqalka Hoose waxaa lagu soo xuli doonaa Nidaamka 4.5
  • Qiyaastii Celcelis ahaan 30% oo ka mid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaanka waxaa kayd looga dhigi doonaa Haweenka Soomaaliyeed.

Aqalka Sare ee Barlamaanka:

  • Aqalka Sare ee Barlamaanka waa in la dhisaa ka hor Nidaaminta Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
  • Aqalka Sare waxa uu ka koobnaan doonaan 54 xubnood.
  • 48 xubnood oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa si isku mid ah u qeybsanayo Dowladaha xubnaha ka ah Federalka (Somaliland, Puntland, Galmudug, K/Galbeed, Jubbaland iyo Maamul-gobaleedka Hiraan iyo Shabellada Dhexe).
  • Lixda xubin oo ka soo haray xubnaha Barlamaanka Aqalka Sare waxaa si isku mid ah u qeybsanayo Somaliland iyo Puntland, iyadoo laga duulayo  Heerka Siyaasadda iyo iyagoo ay ku yaallaan Goballadda ugu badan ee Somalia.
  • Qiyaastii Celcelis ahaan 30% oo ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa kayd looga dhigi doonaa Haweenka Soomaaliyeed.
  • Xubnaha Aqaalka Sare ee Barlamaanka waa in lagu doortaa Shirarka Golayaasha Barlamaan-gobaleedyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Federalka iyo kuwa dhismi doona.

Dhinaca kale,  Dowladda Federalka waxay Ugu dambayntii, uga mahad-celinaysaa Madaxda Dowlad-gobaleedyadda, Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Xubnaha Beesha Caalamka dadaalkooda ku aadan inuu dalka Somalia horey u dhaqaaqo.

War-murtiyeedka ka soo baxay Dowladda Federalka Somalia waxaa lagu caddeeyey in Heshiiska Nidaamka  Doorashada uu cabir u noqon karo Doorashadda sannadkan iyo in horey loo eego maalinta ay Ummadda Soomaaliyeed .

Dowladda waxay sheegtay in Heshiiskan Doorashada noqon doono qiyaasta sannadka 2016-ka iyo maalinta ay dadkeenna xaqa inay codeeyaan.

Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyeen War Murtiyeedka laga soo saaray Nidaamka Doorashadda ee bisha September ka dhici doona dalka Somalia.

©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor