Iyadoo laga ambaqaadayo shirkii 1aad ee Madasha Wadatashiga, ayaa waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntand lagu qabtey shirkii labaad ee madasha intii u dhexeysey 30 April ilaa 1da May, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah DFS (Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed). Waxaa shirkan ka soo baxay warmurtiyeedkan: 1. Fulinta iyo Hirgelinta Heshiisyadii Horey loo Galay. Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah waxay isku afgarteen dardar-galinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen dhinacyada , si arrintaasi loo gaaro waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas, waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay. 1. Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka. Si loo dardargaliyo geeddi socodka dib u eegista dastuurka, waxay madashu isku raacday in la dhamaystiro xubnaha ka dhiman guddiyada dib u eegista iyo kormeerka dastuurka ee ka imanaya dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida ku cad Qodobka 133 farqadiisa labaad xarafka (a) iyo qodobka 134 farqadiisa labaad. 1. Hiigsiga 2016 (vision 2016). • Waxaa la isku raacay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah 2016. 1. Dhismaha Dawladaha Xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka. a) Dhismaha dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka waa in uu ku salaysan yahay Dastuurka kmg ah. 1. Amniga: ——DHAMMAAD————- |
|
|
|
|
|
|
|
|