War-murtiyeedka ka soo baxay Shirkii looga hadlayey Istaraatijiyadda Warbaahinta Somalia.

Shirkii Wasaaradda Warfaafinta, Maamul-gobaleedyadda iyo Ururradda Suxufiyiinta kaga hadlayeen Istaraatijiyadda Shanta sanno ee Warbaahinta Qaranka ayaa maanta lagu soo gebagbeeyey Hotelka Aljazeera Palace ee magaalladdan Muqdisho.

Shirkaasi oo socday muddo labo maalmood waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye), Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta GalMudug Maxamuud Aden Cismaan,Wakiilo ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Gobolada Banadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe, Xoghayaha Guud ee NUSOJ Mohamed Ibrahim Pakistan, Wakiilo ka socda ururadda Network 13, SIMHA, MAP, iyo Madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo wakiilo ka socda dawladdo ay ka mid yihiin Safiirka Sweden Mikeal Lindvall iyo Hay’ado ay ka mid yihiin IMS/FOJO, SMSG, UNSOM, InterNews iyo kuwo kale.

Kulanka waxaa soo abaabulay Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyadoo la kaashatay Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, waxaana shirka taageeray Hay’ada IMS/Fojo iyo UNESCO oo si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaasi waxay Ka-qeybgalayaasha ka soo saareen Qoddobaddan soo socda:-

  1. Ka qeybgalayaasha shirku waxey u mahadceliyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada, waxeyna soo dhoweeyeen una mahadceliyeen doorka Hay’adaha IMS/Fojo, UNESCO, SMSG iyo xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo taageeray shirkan muhiimka ah. Sidoo kale waxey uga mahadceliyeen IMS/Fojo doorkooda ku aadan diyaarinta barnaamijka, qorshaha istraatejiyada horumarinta warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah ka dib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka.
  2. Ka qeybgalayaashu waxey dib u eegis ku sameeyeen isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqangeliyo Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota (2016 – 2020).
  3. Ka qeybgalayaashu waxey ku ballameen inay si wadajir ah u wada dhaqangeliyaan Istraatejiyada, iyagoo kaashanaya shacabka, suxufiyiinta Soomaaliyeed, ururada matala warbaahinta iyo beesha caalamka. Waxaana marwalbo door hoggaamineed iyo isku xir qaadanaya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa Dowlad Goboleedyada, iyo qeybaha kale ee warbaahinta madaxa bannaan.
  4. Ka qeybgalayaashu waxey ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci siinta hay’adahaas, iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. Waxaana hoggaanka iyo isku xirka marwalba leh Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka.
  5. Ka qeybgalayaashu waxey soo dhoweeyeen Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, iskuna raaceen in uu noqdo kan rasmiga ah oo Dowlad Goboleedyadana ay si buuxda u waafajiyaan xeerarkooda saxaafada.
  6. Ka qeybgalayaashu waxey isla garteen in dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga wada shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareeynayo cabashooyinka iyo habdhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerka saxaafada, anshaxa iyo asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharaxayo muhiimada dhaqangelinta xeerka saxaafadda.Fulinta barnaamijkan waxaa laga codsay hay’adaha warbaahinta taageera iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda.
  7. Ka qeybgalayaashu waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna ammaaneen horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah.
  8. Ka qeybgalayaashu waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo hanjabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan weriyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo sharciga la hor keeno, isla markaana saxaafiyiinta aan loo geysan xarig sharci darro ah.
  9. Ka qeybgalayaashu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xiligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub.
  10. Ka qeybgalayaashu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka hawlgalaan una gudbiyaan profile-kooda iyo qorshe hawleedkooda oo dhameystiran iyo miisaaniyada ay ku howlgalayaan.
  11. Ka qeybgalayaashu waxey soo jeediyeen in Dowladda Federaalka lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan dalka, oo aysan hay’ad ka howlgeli karin dalka iyagoon oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada ay ka howlgalaan.
  12. Ka qeybgalayaasha waxey xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku midoobaan horumarinta warbaahinta dalka iyo wacyigelinta bulshada, sida Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, amniga, dib-uheshiinta, iyo Dowlad-wanaaga. Waxaana la isla gartay in si mideysan oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo iyadoo Wasaarada Warfaatina ay door hoggaamineed ku yeelaneyso.
  13. Ugu danbeyntii ka qeybgalayaashu waxey ka codsadeen hay’adaha caalamka iyo dowladaha taageera Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya in Shir Deeqbixiyeyaasha ah lagu qabto Nairobi sida ugu dhaqsiyaha badan si loo codsado dhaqaalaha lagu fulinayo Istraatejiyada iyo Xeerka Saxaafada. Waxaana loo xilsaaray Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo IMS/Fojo isku xirka, xiriirinta iyo hirgelinta go’aannadan.

©Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor