(WAR MURTIYEED): Kulankii Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan ku yeesheen Khartoum.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta soo gebagebeynayo Booqasho 2-maalmood oo ay ku tageen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Wakaalladda Wararka dalka Sudan ee Sudan News Agency “SUNA” oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Madaxweynaha Sudan, Jeneral Cumar Xasan Axmed Albashiir casuumaad u fidiyey dhigiisa Somalia, Xasan Sheekh Mxaamuud muddadii u dhexeysay 13-kii ilaa 14-ka bishan April.

Labada Madaxweyne oo xalay yeeshay Kulan Khaas ah waxay kaga wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Arrimaha Gobalka, kuwa Caalamiga, Iskaashiga dhinacyadda Amniga, La-dagaalanka Tahriibka, Xag-jirka iyo Argagixisadda iyo Horumarinta Xiriirka Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Dhaqanka ee labada Waddan.

Kulankaasi waxaa laga soo saaray  War-murtiyeed ka kooban 16 qoddob, sida ay shaacisay Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA.

Dhinaca kale, Wafdiga la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waaxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa'”, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka (NISA), Jeneral C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo La-taliyayaasha Madaxweynaha Somalia ee dhinacyadda Amniga Qaranka, Jeneral C/raxmaan Ciise iyo Siyaasadda, Aweys Xaaji Yuusuf iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, Cali Maxamed Cumar.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la filayaa inuu maanta ka soo ambabaxo magaalladda Khartoum, mana kala cadda inuu Muqdisho ku soo laabanayo iyo inuu u ambabixi doona dalka Turkiga, si uu uga qeyb galayo Shir-madaxeedka Dowladaha Islaamka oo lagu wado inuu berri ka furmo magaalladda Istanbul.

Shirkaasi waxaa haatan ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Cumar Hadliye oo ka qeyb galayo Shirka Heerka Wasiir ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Islaamka ee O.I.C.

DSC03037

DSC02998DSC03030

Xigasho: SUNA

@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor