WAR-MURTIYEED: Go’aanka Golaha Wadatashiga ee Higsiga 2016 wuxuu ka horimaanayaa Dastuurka

WAR-MURTIYEED: Go’aanka Golaha Wadatashiga ee Higsiga 2016 wuxuu ka horimaanayaa Dastuurka

Janaayo 29, 2015,
Muqdisho, Soomaaliya

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAHI WABARAKAATUHU

Annagoo xog ogaal u ah marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo iyobaahida Soomaalidu u qabto dowlad matalaad iyo kalsooni shacbi leh;

Inagoo, daraasaynay bayaanka Wadatashiga Qaranka;

Madasha Midnimada Iyo Diimoqraadiyadda oo ka kooban siyaasiiyiin heer federal iyo heer gobol, xubno Baarllamaanka Federalka iyo xisbiyo waxaan caddeynaynaa:

(1) Bayaanku wuxuu jebinayaa qodobada Dastuurka Ku-meelgaarka sidaQodobka 64aad (a), qodobka 72aad iyo qodobka 4aad.

(2) Go’aanka ku qoran Bayaanka wuxuu ahaa mid aan loo dhamayn. Goa’aan aan lagu qaadan WADAR OGGOL wuxuu khatar ku yahay Midnimada, Wadajirka, Amniga iyo Xasiloonida dalka.

(3) Bayaanku wuxuu ka hor imaanayaa qaraarka Baarlamaanka ee taariikh 27-1-16 oo tilmaamaya:
a) In Go’aanka Wadatashiga uusan jebin Dastuurka; iyo
b) In uu noqdo Wadar Oggol;

(4) Bayaanku wuxuu tilmaan cad u yahay in hoggaanka Qaranku ku fashilmay Meelmarinta higsiga 2016 iyo abuuridda heshiis loo dhan yahay oo heysta kalsoonida shacabka loogana gudbo marxaladdan xasaasiga ah.

(5) Aragtida Bayaanka, nasiib darro, waxay albaabada ka xirtay nidaamka axsaabta. Sida la ogsoon yahay meelmarinta sharciga axsaabta waxaa ula kac u meermeeriyey xukuumadda, axsaabtuna dacwad arrintaas la xiriita waxay u gudbiyeen Maxkamadda Sare.

(6) Beesha Caalamka waxaan uga mahadcelinaynaa garabistaagooda shacabka Soomaaliyeed, waxaanan ku adkaynaynaa in ayan horboodin go’aano qabyo ah, ceyriin ah oo dastuurka khilaafsan kuwaasoo keeni kara in Soomaalidu ku kala fogaato midnimadooduna wiiqanto.

  1. Ugu dambayntii, Madasha Midnimada iyo Diimoqraadiyaddawaxay soo jeedinaysaa in dadaal kasta la geliyo in loo abuuro isfaham qaran oo laga wada qayb galo, loo dhan yahay, aan la dedejin lana gacan maroojin.

                           =Dhamaad=

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor