WAR-MURTIYEED-Baaq ku saabsan khilaafka siyaasadeed oo ka jira Baarlamaanka Jubaland

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay si aad ah uga xuntahay xiriirka sii xumaanaya ee Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada jira iyo kuwa samaysmaya. Waxaan u halgamaynaa midnimada iyo Dimoqoraadiyanta Somalia, sidaa darteed isku duubnida iyo wada jirka dhammaan qaybaha Bulshadeenu ka kooban tahay waa lama huraan. Midnimo iyo wadjir la’aan kuma guulaysan karno hayaankaan ugu jirno in doorasho xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo Somalia 2016. Khilaafka iyo isqabqabsigu waxay baabi’inayaan horumarkii la sameeyey waxayna dib noogu celinayaan waddadii khasaaraha iyo burburka.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay muujinaysaa welwelka wayn oo ay ka qabto khilaafka soo kala dhex galay Baarlamaanka Federaalka iyo Maamul Goboleedka ku meel gaarka ah ee Jubba oo salka ku haya sharciyadda samaynta Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubba. Madashu waxay labada dhinacba ku boorrinaysaa kana codsanaysaa inay ka waantoobaan wax kasta oo keeni kara hurgumo iyo iska hor imaad, khilaafka jirana lagu xalliyo si nabadgelya ah oo walaaltinimo ku dheehan tahay iyadoo maslaxada Dalka la xeerinayo.

Si aan hore ugu socono, Dadkeenu waxay madaxdooda ka filayaan hoggaamin fiican, wax qabad la taaban karo iyo daacadnimo, mana aqbalayaan siyaasiyiin maalin kasta is-haysata oo luminaya wakhti qaali ah oo aynaan ka maarmin.

Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada waxay aaminsantahay kuna shaqaynaysaa in Ummadda Somaliyed laga dhex abuuro isafgarad, laguna hoggaamiyo siyaasad hufan, waxayna mar kasta diyaar u tahay inay raadiso xalkii la isugu keeni lahaa dhinacyada is haya.

Dhamaad

###

Faahfaahinta war-murtiyeedkaan, fadlan la xiriir Xoghayaha Guud
Madasha, Dr. Ali Mohamed Mohamud, Tel No: +252615199050 E-mail:[email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor