WAR DEGDEG: Kenya oo sheegatay inay dileen Taliyihii Sirdoonka Alshabaab.

Wakaalladda Wararkaa Faransiiska ee AFP ayaa goor dhow qortay hadal ay Ciiddanka Kenya ku sheegteen inay maanta duqeyn ku dileen Taliyihii Sirdoonka Alshabaab Mahad Karatee iyo 10 Taliye oo kale.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Kenya ayaa lagu sheegay inay Duqeyn muhiim ahayd ku dileen Mahad Karatee oo ahaa Taliye Sare iyo Madaxa Sirdoonka Alshabaab, waxayna tilmaaameen inay duqeyntaasi ka dhacday gudaha dalka Somalia.

Taliska Ciiddanka Kenya ma sheegin halka ay ku dileen Saraakiishaasi ka tirsan Alshabaab, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiinaya sheegashadooda.

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab weli kama hadlin Sheegashada Ciiddanka Kenya ku sheegteen inay duqeyn ku dileen Saraakiil muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab.

Xigasho: AFP

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor