Diyaaradaha Dagaalka Raashiya oo maanta duqeyn culus geystay

Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya waxay maanta duqeymihii ugu cuslaa ka geysteen Deegaanadda ay Kooxaha hubeysan kaga sugan yihiin agagaaraha goobtii ay shalay ku dhacday Diyaaradii Dagaalka Raashiya.

Ugu yaraan 12 duqeyn ayaa lala beegsaday Fariisimadda Kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Waqooyiga Gobalka Latakiya.

Taliye ka tirsan Dagaalamayaasha Turkmen oo lagu magacaabo Hassan Haji Ali ayaa sheegay inay Sawaariikh laga soo ganay Maraakiibta Dagaalka ee Raashiya ay ku soo hoobanayaan Deegaanka uu joogo.

Waxa uu intaasi ku daray inay dagaal dhulka ka socda Aagaasi, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka Raashiya hawada ka taageerayaan Maleeshiyo taageersan Dowladda Syria oo duullan ku soo qaaday halkaasi.

Maleeshiyadaasi ayaa la sheegay inay isku dhaceen Dagaalyahanno ka tirsan Jabhadda Nusra Front iyo Dagaalamayaasha Turkmeen, waxayna dagaalladda ugu xun ka socdaan Dhulka Buuraleyda ee Jabal Akrad iyo Jabal Turkman.

Dhacdooyin kale oo ku aadan Wararkii ugu dambeeyey ee Xiisadda Turkiga iyo Raashiya

Hal maalin kadib, markii ay Milliteriga Turkiga soo rideen Diyaaraddii Dagaalka ee Raashiya waxay xaalladu u muuqataa mid ka sii dari karta.

Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin waxa uu falkaasi ku tilmaamay Tallaabo lagu dhabar-jebinayo Hawlgalka Ciiddankiisa kula dagaalamayaan Kooxda Daacish.

Wasiirka Difaaca Raashiya, Sergey Shoygu waxa uu maanta sheegay inay dalka Suurya geyn doonaan Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S-400.

Twitterka Wasaaradda Gaashaandhiga Raashiya ayaa ka soo xigatay Wasiirka in Gantaalladaasi lagu rakibi doono Saldhiga Milliteriga ee ay ku leeyihiin Gobalka Latakia ee dalka Syria.

Gantaalladaasi ayaa waxay wax ka duqeyn karaan ilaa 250 KM, sida uu qoray Website-ka themissilethreat.com.

Xuduudka Turkiga waxa wax ka yar 30 miles u jiraa Saldhigga Ciiddanka Cirka Raashiya ee Hmeimim air base oo ku yaalla Gobalka Latavia ee dalka Syria.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Turkiga, Tayyib Ergogan oo maanta ka hadlay Kulan looga hadlayo Dhaqaalaha  oo lagu qabtay magaalladda Istanbul ayaa difaacay go’aankii ay Ciiddankiisa shalay ku soo rideen Diyaaradda Dagaalka Raashiya.

Waxa uu sheegay in Diyaaradaha Raaahsiya halka ay ku duulayeen ma ahayn meel ay Daacish joogaan.

“Ha na khiyaamin, waan garanaynaa Deegaannadda Daacish” ayuu yiri Erdogan.

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay Ciiddanka Khaaska ee Syria qaadeen Hawlgalkii Gurmadka ee lagu baadi-goobayey mid ka mid ah Duuliyayaashii shalay diyaaradooda la soo riday.

Wakaalladda waxay sheegtay inay Milliteriga Syria iyo kuwa Raashiya iska kaashadeen Hawlgalkaasi, iyagoo ka gudbay 3-KM aag ay joogaan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish, si loo soo badbaadiyo Duuliyahaasi.

Madaxweynaha Raashiya waxa u usheegay inuu hawlgalkaasi qaatay muddo 12 saacadood, wuxuuna sheegay in Labada Duuliye (Kan nool iyo kii geeriyooday) la siinayo Abilladda Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay Duuliyayaashaasi kuwo Geesiyiin ah, lamana shaacinin magacyadooda.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor