(WAR DEGDEG AH): Wiilka Soomaaliga ee geystay Weerarkii London oo la soo taagay Maxkamad.

Muxiyaddiin Mire oo  ah Ninkii dhawaan dadka ku dooxay Bosteejadda  Tareenadda dhulka hoostooda mara ee magaalladda London  ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Westminier Magistrates’ Court ee magaalladda London, isagoo lagu soo oogay isku-day dil.

sawir-gacmeedka Muhyadin MireMuxiyaddiin Mire oo 29 jir ah, deggan Samsom Road, Bariga London ayaa lagu soo oogay inuu dili lahaa nin 56-jir ahaa, kadib, markii uu Tooreey ku dhaawacay.

PAY-David-PethersEedeysanaha waxaa Maxkamadda lagu keenay Gaariga Xabsiga, iyadoo aad loo adkeeyey ammaanka.

GAADIIDKA XABSIGAWaxa uu habeenkii Sabtida, abaarihii 07:00 Fiidnimo weerar ka geystay Bosteejadda laga raaco Tareenadda dhulka hoostooda mara ee Leytonstone Underground, wuxuuna tooreey ku dhaawacay ilaa 3 qof oo uu ugu darnaa Dhibane 56-jir ah, kaasi oo Tooreyda kaga dhuftay meel u dhow cunaha.

Waxay mindidu dilaacisay 12-cm, iyadoo Dhibanaha muddo 5 saacadood lagu hawlanaa sidii loo toil lahaa halka laga dooxay.

Dhinaca kale, Boliska Gaadiidka British ee BTP ayaa sheegay inay Saraakiil dheeraad ah dhigeen goobaha laga raaco Gadaiidka, si aysan u dhicin shilal kale.

Eeyda Boliska ayaana la sheegay in loo adeegsan doono dhowrista ammaanka Bulshadda iyo in laga hortago cabsi kasta oo la filan karo.

MUXYADDIIN 1

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor