(WAR DEGDEG AH): Ugu yaraan Labo qof oo ku geeriyootay Bas ay Alshabaab ku weerareen Mandera

Weerarkaasi oo saakayto 7-dii subaxnimo ka  dhacay inta u dhexeyso Deegaanka Kotulo iyo Ceel-waaq, ayaa waxaa ku geeriyootay 2-qof oo ka mid ah Rakaabkii la socday Baskaasi.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Dareewalkii Baska iyo 2 qof oo rakaab ahaa.

Baskaasi oo shalay subax ka soo ambabaxay Nairobi ayaa la sheegay inay la socdeen in ka badan 50 qof oo rakaab ahaa.

Tiradda dhimashadda ayaa suurto-gal ah inay ka badan tahay inta haatan la soo weriyey.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Mandera ee W/bari Kenya, Julius Otieno ayaa u xaqiijiyey Wargeyska Daily Nation inay Alshabaab saakayto weerareen Bas ka soo ambabaxay magaalladda Nairobi, kuna sii jeeday Degmadda Mandera.

Waxa uu beeniyey inay Alshabaab kaxaysteen Baskaasi, isagoo dhinaca kalena sheegay inay ku raad-joogaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Sarkaal kale oo ka tirsan Boliska Kenya oo codsaday inaan magaciisa la soo xiganin ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Rakaabkii loo kala qeybiyey Muslimiin iyo Kirishtaan, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Mandera, Ali Roba ayaa isagana u sheegay Daily Nation inay Rakaabka ka soo jeeday Dadka Deegaanka ka hor joogsadeen Alshabaab inay Rakaabka u kala saaraan Muslim iyo Kirishtaan.

Ali Robo waxa kale oo  uu sheegay inay hayaan Warbixin dhinaca Sirdoonka oo sheegaysa inay 200 Dagaalyahanno Alshabaab oo ka soo gudbay Xuduudka Somalia soo gaareen Deegaanka Kotula saddexdii isbuuc ee la soo dhaafay.

Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa had iyo jeer ka diga inay Alshabaab weeraro ka geysan karaan Kenya maalmaha lagu jiro Dabaaldegga Sannadka cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.

©Radio Dalsan               

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor