(WAR DEGDEG AH): Senator Billow Keerow oo lagu xiray Garoonka Wilson Airport ee Nairobi.

Ciiddanka Dembi-baarista Boliska Kenya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Senator Billow Keerow, isla markii uu ka soo degay Diyaarad ka timid magaalladda Mandera, kuna soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Senatarka oo laga soo doorto Mandera ayaa lo okaxweeyey Xarumaha Waaxda Dembi-baarayaasha Boliska Kenya, si wax looga weydiiyo hadalo uu dhawaan ku sheegay in Qabuur-wadareed lagu aasay Tobaneeyo qof oo laga helay duleedka Mandera.

Senator Billow Keerow waxa uu horey Raalli-gelin uga bixiyey hadalkaasi, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay warkaasi.

Qoraal uu Senator Billow Keerow soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay inay Noloshiisa khatar ku jirto, kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha, Joseph Nkaissery ku xiriiray inuu gacan-saar la leeyahay waxa loogu yeero Shabakadaha Argagixisadda.

“Hadalka Wasiirka waxa uu Aniga igu eedeeyey inaan ahay Hoggaamiye Koox taageerta Argagixisadda ee doonaya inay dalka burburiyaan” ayuuu Keerow ku yiri bartiisa Facebook.

Waxa kaloo uu sheegay inuu  La-talin Sharciga raadinayo oo ku aadan hadalladda Wasiirkaasi, una gudbin doono Boliska hadalka laga duubay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery.

© Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor