(WAR DEGDEG AH): Sarkaal la sheegay inuu Alshabaab ka iibiyey Labiska Askarta AMISOM oo lagu qabtay Muqdisho

Ciiddan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa waxay barqanimaddii maanta Hawlgal ka fuliyeen Xero ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Taliska Ciiddanka Badda ee Mariino ee Degmadda Kaaraan.

Sida ay Dalsan u sheegen Ila Wareedyo Diiday in la xuso Magacyadooda waxa ay Ciiddanka Gaashan oo aad u hubeysan ay xiren dhamaan Aagaasi, waxaana halkaasi lagu qabtay sida ay sheegen dhowr qof oo la sheegay inuu ku jiray Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Dowladda, kaasi oo lala xiriirinayo  inuu Alshabaab ka iibiyo Labiska Ciiddanka AMISOM.

Ciiddanka NISA ayaa laga war dhowrayaa inay Saxaafadda u soo gudbiyaan Faahfaahinta Hawlgalkaasi oo ahaa mid aad looga baaraan-degay inaysan waxyeello ka dhicin.

Xaalladda goobta laga fuliyey Hawlgalka ayaa haatan caadi ku soo noqotay, iyadoo ay dadka iyo gaadiidka caadi u marayaan Isgoyska Marina ee Degmadda Kaaraan.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor