WAR DEGDEG AH: Qaraxyo goor dhow ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Brussels.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacantay qaraxyo xooggan oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee ugu weyn dalka Belgium oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Brussels.

Ugu yaraan labo qarax ayaa la sheegay inay ka dhaceen Garoonka Diyaaradaha ee “The Zaventem Airport” oo ku yaalla magaalladda Brussels.

Weriye Alex Rossi oo ka tirsan Telefishinka Sky New ee dalka Britain oo ku sugnaa Garoonka ayaa sheegay inuu maqlay labo qarax oo aad iyo aad u xoog badnaa.

“Waxaan dareemay inuu dhismuhu ruxmayo, waxaa kaloo jiray uuro iyo qiiq xooggan, waxaana u malaynayaa inay falal argagixiso yihiin Qaraxyadaasi” ayuu yiri Alex Rossi.

Sidoo kale, Warbaahinta “Belgian Media” ayaa sheegtay in la joojiyeey dhamaan hawlihii duullimaadka ee Garoonka ay ka dhaceen qaraxyadda.

Xaallad cakirnaan ayaa haatan ka jirta Garoonka, waxayna qaraxyaddan ku soo beegmeen, iyadoo ay Ciiddanka Ammaanka ee dalalka Belgium iyo Faransiiska dhawaan xireen Saalax C/salaam oo loo haysto qaraxyaddii bishii November 13-dii ee sannadkii hore ka dhacay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, laguna dilay 130-ka qof.

The Brussels Airport in Zaventem, is pictured in this file picture taken December 15, 2014. REUTERS/Eric Vidal/Files

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA QARAXYADDA GAROONKA BRUSSELS.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor