War Deg Deg ah:Sarkaal ka tirsan dowladda oo lagu dilay degmada Wadajir

Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan qaybta caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabo gaashaanle sare Cabdullaahi Cilmi Nuur, waxaana la sheegayaa in dablaydii dishay ay baxsadeen.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dilkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay dhowaan sare u qaadeen howlgallada amni ee magaalada caasimadda ah, xilli laga cabsi qabo in Shabaabku ay sare u qaadaan weeraradooda, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media