War Deg Deg ah:Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goordhow Xukun Dil ah Fulisay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin horay u dilay taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Shabeellaha dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.

Dilka toogashada ah ayaa ka dhacay Fagaaraha School Polizio ee Degmada Xamar Jajab, halkaasi oo ay ku toogteen ciidamada ammaanka Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa Ninkii horay u dilay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugidda Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed kaasi oo lagu dilay Magaalada Jowhar 23kii June 2016.

Goobta Xukunka dilka ah ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dhamaan Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,waxana Ninka Xukunka lagu riday inta uusan dilin taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida uu ahaa Ilaalada Gaarka ah ee taliyaha.

Goordhow la socda faah faahinra Warkaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media