War Deg Deg ah: Sarkaal Ciidan oo goordhow lagu dilay M/Gaalkacyo

Koox Hubeysan ayaa Caawa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxa ay ku dileen Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Faluuja ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay puntland Maamusho,waxana Sarkaalkaas Magaciisa lagu sheegay Xaaji Cariish.

Kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa Goobta isaga baxsatay waxana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kuwaas oo meesha ka qaaday meydka,mana jirin howlgal ay sameeyen Ciidamada sidii horay loga bartay.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media