War Deg Deg ah: Qarax Goordhow ka dhacay Gudaha M/Kismaayo

War goordhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogiisa laga maqlay Gudaha Magaalada kismaayo.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ah Bam Gacmeed lagu weeraray Saldhiga Booliiska Magaalada kismaayo waxana intaas kadib la maqlay rasaas ay ridayeen Ciidamada Saldhigaasi joogay.

Qof kamid ah Shacabka Kismaayo oo si hoose noola hadlay ayaa sheegay in jugta ay maqleen islamarkaana ay dhankooda cabsi soo wajahday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media