Waqtiga la dooranayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta lagu dhawaaqayo

Maanta oo axad ah ayaa la filayaa in xubnihii guddiga Doorashooyinka guddoomiyaha golaha Shacabka ay ku dhawaaqaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay guddoomiye u doorteen Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo dhawaan Baarlamaanka ku soo biiray.

Guddigaan ayaa waxa ay Shaqadooda wadan doonaan ilaa laga doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku soo sharaxeyn musharixiin farabadan.

Sidoo kale guddiga ayaa waxa ay maanta shaacin doonaan xilliyada ay isdiiwaan gelin doonaan musharixiinta iyo hadal jeedin tooda intaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media