Waqtiga la careema saarayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo la shaaciyay

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa lagu wadaa in la caleema saaro isniinta, si uu u soo dhiso dowlad cusub, ka gadaal markii ay dhacdey doorasho aad la isugu khilaafey, taasoo dhacdey bishii June, iyadoo uu xisbigiisa Barwaaqo kasoo hoyey guul baaxad leh.

Guusha xisbiga Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa qariyey dagaalka lagu hoobtey ee ka socda gobolka Tigreega, taasoo ugga dhigan Abiy inuu awoodda sii heyn doono shanta sano ee soo socota.

Abiy ayaa la wareegay talada dalka labaad ee Africa uggu dadka badan sanadkii 2018-kii, ka gadaal sanado ay socdeen dibad baxyo lagaga soo horjeedo dowladda.

Markaas dadka yaqaana aad bay u yaraayeen, isagoo durbadiiba ku guuleystay hanashada qalbiyada dad gaaraya malaayiin, si uu u sameeyo tallaabooyin uu wax ku badalayo.

Soo if bixiddii isku dhaca dhanka qawmiyadaha, ayaa durbadiiba waxey noqotey caqabad isku horgudubta horumaradii uu sameynayey, ha yeeshee caqabaddii uggu weyneyd ayaa timid sanad kadib, markii uu dagaal ka qarxey gobolka waqooyiga ee Tigreega.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor