Waqooyiga Kuurya oo sheegtay in laga qaadi doono Cunaqabataynta.

Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya ee KCNA ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump oggolaaday arrintaasi, kadib, markii ay isaga iyo Kim Jong Un ku kulmeen dalka Singapore.

Wakaalladdu waxay xustay inuu Madaxweyne Donald hadalkaasi sheegay kadib markii uu ku dhawaaqay inay Maraykanka joojin doonaan dhoolatuska Milliteri ee ay sida wadajirka ula sameeyaan Milliteriga Koonfurta Kuurya.

Dowladda Maraykanka weli kama aysan hadlin arrinta ku saabsan in dalka Waqooyiga Kuurya laga qaadayo Cunaqabataynta.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Waqooyiga iyo Madaxweynaha Maraykanka waxa uu mid kasta kan kale ku casuumay inuu soo booqdo dalkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media