Waqooyiga Kuurya oo mar kale tijaabisay Matoorka Gantaalladda.

Saraakiil Maraykan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inay tijaabadaasi qeyb ka tahay  Barnaamijka ay Milliteriga Waqooyiga Kuurya ku hormarinayaan Gantaalladda Isaga kala gudbi kara Qaaradaha ee loo yaqaano  intercontinental ballistic missiles.

Tijaabadan ugu dambaysa oo dhacday Jimcihii la soo dhaafay ayaa timid iyadoo bilowgii bisshan la tijaabiyey Matoorka Gantaalladda.

Warbaahinta Rasmiga ee Waqooyiga Kuurya ayaa sheegay inuu Matoorkaasi taageero ka geysanaayo Awoodda lagu gani karo Gantaal-xambaaraha Dayax-gacmeedka  iyo inay Tijaabadaasi tahay qaabka cusub ee Matooradda Gantaalladda ridada dheer.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media