Waqooyiga Kuuriya oo sheegtay inay horumarisay Hubkeeda Nukliyeerka

Wakaalladda Wararka u faafisa dalkaasi ee KCNA ayaa manta shaacisay in Hoggamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un uu kormeeray wax lagu sheegay Bamka Haydarojiinka ee wax gumaada, kaasi oo awoodi kara in lagu rakibo Gantaalladda isaga kala goosha Qaaradaha.

Hoggamiyaha dalkaasi, waxa uu tilmaamay in Bamkaasi 100% yahay mid lagu farsameeyey gudaja dalkiisa.

Hadalkaasi ayaa soo baxay wax ka yar hal isbuuc, markii ay Milliteriga Waqooyiga Kuurya  Gantaal Balaastik ah dul mariyeen hawada dalka Japan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’isul-wasaaraha Japan oo Khadka Telefoonka ku wada hadlay ayaa sheegay inay si wadajir ah isaga kaashan doonaan cabsida Nukliyeerka Waqooyiga Kuurya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media