Wakiilo ka socota Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Afrika oo la kulmay Madaxweynaha dalkaasi, Jakob Zuuma

Madaxweyne Jakob Zuuma waxa uu muddo shan saacadood ah kulan la yeeshay Ergooyin ka socda Jaalliyadaha Soomaalida iyo kuwa kale ee ka xoogsada dalkaasi, kuwaasi oo dhibaatooyin kala kulmay Shisheeye-nacaybka ka taagan dalkaasi.

 

Kulankaasi oo ka ka dhacay Guriga Martida ee magaalladda Pretoria, ayaa waxa uu Madaxweyne Zuuma kula kulmay 50 Ergo oo ka kala socotay Jaalliyaddaha Afrikaanka ee ay saamaynta ku yeesheen boobkii iyo dhicii loo geystay goobaha ganacsiga ee shisheeyaha.

 

Madaxa Jaalliyadda Soomaalida ee Koonfurta Afrika, Amiir Sheikh ayaa ka hadlay saamaynta uu dadka Soomaalida ku yeeshay Falalkii shisheeye-nacaybka ee dhawaan hareeyey goobaha ganacsiga ee Soomaalida.

 

Waxa uu tilmaamay inuu dalka Koonfurta Afrika ahaa Rajadda Qaaradda Afrika, balse lagala kulmo isir-faquuq.

 

Waxa uu ka hadlay sida dadka Soomaaliyeed horey loogu soo dhaweeyey dalka Koonfurta Afrika, oo uu xusay in loo muujiyey Walaaltinimo.

 

“Waxay na siiyeen nolol aan horey u haysanin. Aniga waxaan halkan imid anigoo aan waxba haysanin, balse haatan waxaan ka mid ah dadka nolosha dhexe ku nool” ayuu yiri Madaxa Jaalliyadda Soomaalida ee Koonfurta Afrika, Amiir Sheikh oo dhinaca kale ka cawday sida loo adkeeyey xuduudka dalkaasi.

 

Mas’uulkaasi ku hadlayey magaca Jaalliyadda Soomaalida ka xoogsata dalka Koonfurta Afrika waxa uu  Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika ka codsaday inuu u hawlgalo sidii dadka Soomaalida wax loogu qaban lahaa iyo in la muujiyo sinnaan iyo in la dhowro.

 

Falalka Isir-nacaybka iyo boobka loo geystay Ganacsatadda shisheeyaha ee ku nool dalkaasi waxaa lagu dilay 7-Ganacsato, iyadoo la boobay lana gubay goobo ganacsi oo badankooda ku yaallay Gobalka Kawazulu Natal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor