Wakiilo ka socda Dowladda Somalia oo ku sugan Maxkamada ICJ iyo jawaab ay gudbinayaan

Waxaa haatan ku sugan gudaha Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague ergada mataleysa Soomaaliya si ay u gudbiyaan jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Galkan waxaa Maxkamadda lagu wareejinayaa maanta saacadda Bariga Afrika marka ay ku beegantahay 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.

Muranka dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya ayaa mudo soo jiray,waxana horay la iskula tegay Maxkamada Calaamiga ee (ACI)waxaana balanta ay ku ekeyd manta oo isniin ah.

Wararka aan helnay ay sheegayaa in ay bilaabatay gudbinta Wakiilada ka socday Soomaaliya jawaabta dacwada la xiriirta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Goordhow la socda Warbixino iyo sawiro la xiriira Warkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media