Wakiilladda Beesha Caalamka oo ku biiray Dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo.

Ergooyin ka kala socda Wakiiladda Beesha Caalamka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ayaa waxay booqasho Maslaxad-doon ah ku joogaan magaalladda Gaalkacayo, si loo sii ambaqaado Geeddiga Nabad-raadinta iyo Heshiiska Gaalkacayo.

Ra’isul-wasaare Omar Abdirashiid ayaa Marathon Nabadayn ugu kala gudbayo Magaalladda Kala-qeybsan ee Gaalkacayo, si uu Madaxda Puntland iyo Galmudug kala hadlayo sidii qalinka loogu duugi lahaa Heshiiska Nabadda.

Ku-xigeenka Ergayga QM ee Somalia, Ergayga Gaarka ee Midowga Yurub ugu  qaabilsan Arrimaha Somalia, Michel Cerveno D’urso, Ergeyga Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan Somalia, Maxamed Cabdi Afey iyo Saraakiil ka socotay Midowga Afrika (AU) ayaa ku wada sugan Gaalkacayo, kuwaasi oo ku biiray Dadaalka Nabadda.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa weli ka biyo-diidsan inuu Kulan Toos ah la yeesho dhigiisa Galmudug, C/karriim Xuseen Guuleed, waxayna taasi noqotay caqabadda ugu adag ee ku hor gudban Ambaqaadka iyo Miro-dhalka Heshiika Gaalkacayo.

Madaxweyne Gaas ayaan aqoonsanayn Maamulka Galmudug, waana sababta uu uga dhega adeegayo inuuu Madaxweynaha Galmudug la fariisto Miiska Wada-xaajoodka ee uu Ra’isul-wasaare Sharmaarke guddoominayo.

Ergadda Beesha Caalamka ayaa ah Koox Cadaadis-saar ah, waxaana suurto-gal ah inay Madaxweyne Gaas bedelaan Mowqifkiisa si uu ugu soo biiro Miiska Wada-hadalka iyo inay xubnaha Beesha Calaamka goobjoog ka ahaadaan Wada-hadalka ilaa la wada saxiixayo Heshiiska Nabadda.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Gaas oo xushmeyn waayey dadaalka Ra’isul-wasaaraha iyo Madaxda Dowlad-gobaleedka ayaan la ogeyn go’aanka uu ka qaadan doono Ergadda Beesha Caalamka oo iyagu ah Guddi cadaadis-saar doonaya inay goobjoog ka ahaadaan saxiixa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ee Heshiiska Nabadda Gaalkacayo.

© Radio Dalsan     

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor