Wakiilka Joogtadda ee Somalia u joogi doona Xafiiska QM ee magaalladda Geneva oo Waraaqaheeda Aqoonsiga gudbisay

Marwo Fadumo Abdullahi Mohamoud (Insania) oo ah Wakiilka cusub ee Somalia ee joogtadda ku ah Xarunta QM ee magaalladda Geneva ee dalka Switzerland waxay shalay la kulantay Agaasimaha Guud ee Xafiiska QM ee magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, Michael Møller.

Diplomaasi  Fadumo Insania waxay Mas’uulkaasi u gudbisay Dukumentigii loogu soo magacaabay Xilkaasi.

Waxay tan iyo sannadkii 2013-kii ka shaqeynaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka, waxayna horey u ahayd Ku-simaha Hawl-fuliyaha Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Tanzania.

Diplomaasi Fadumo Abdullahi Mohamoud (Insania) waxay ahayd xubin ka tirsan Barlamaanka Federalka, waxayna kaalin ka soo qaadatay Dib-u-furistii Safaaradda Somalia ee caasimadda dalka Maraykanka ee Wahington.

Dhinaca kale, Xilka Wakiilka Joogtadda ee Somalia ee Xafiiska QM ee magaalladda Geneva waxaa horey u hayey Marxuum Yusuf Mohamed Ismail “Bari-bari”, oo ku geeriyooday Weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Hotelka Maka Al-mukarama bishii May 29-dii ee sannadkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor