Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye Jawaari oo gaaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ballaaran oo uu hpoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo guddoomiyhaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo qeybaha bulshada.

Ujeedka socdaalka wafdiga guddoomiye Jawaari ayaa ah sidii magaalada Baydhabo looga furi lahaa shirka Guddoonka Golaha SHacabka JFS iyo kuwa Dowlada Goboleedyada,shirkaasi oo inta uu socdo diiradda lagu saari doono wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media